2: 338 Jeer.
Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay magaalada Kismaayo
Waxaa Qoray: jabra
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xaaladda degmadaasi ay tahay mid aad u kacsan kaddib markii bartamaha magaalada uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo dhex maray ciidamada Raaskambooni iyo maleeshiyaad beeleed oo Kismaayo joogta.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan magaalada Kismaayo dagaalkaasi ayaa geystay qasaarooyin dhimasho oo soo gaaray dad rayid ah iyo dhinac, inkasta oo dagaalka uu weli socdo lama sheegi karo qasaaraha rasmiga ah inta uu gaarsiisan yahay.
Dagaalka maanta ka dahcay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa wararku waxay intaasi ku darayaan inuu ka bilowday kaddib markii saakay magaalada bartankeeda lagu dhacay gaari nooca raaxada ah.
Dhinaca kale dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa sababay inuu hakad ku yimaado guud ahaan dhaqdhaqaaqa ganacsiga, dadweynaha iyo gaadiidka isaga goosha magaaladaasi, iyadoona xaaladu haatan ay tahay mid cakiran.
Qaar ka mid ah waxgaradka beelaha ku sugan magaalada Kismaayo ayaa bilaabay dadaallo ay ku doonayaan in lagu joojiyo dagaalka, isla markaana dhinacyada dagaalamaya ay isugu yimaadaan wadahadallo nabadeed si loo dhameeyo khilaafyada keenay gacan ka hadalka.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨