1: Thursday, November 7, 2013 - 18:34:32
2: 450 Jeer.

Dagaal dhiig badan ku daatay magaalada Jowhar, cidna uma maqna dowladna warkeeda daa

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

Geedo barkaan
Waxaa maalintii labaad dagaalo ay ka soconayaan tuulooyin waqooyi kaga beegan magaalada Jowhar oo ay isku haystaan laba beelood oo deegaan ahaan deris ah isla markaana iska dilay kudhawaad sodon qofood.

Dagaalka ayaa qaboobay markii beel ka tirsan labadii beelood ee dagaalamyey laga itaal roonaaday, dhibaataduna waxay aad u sameeysay haweenka iyo caruurta iyadoo dhowr tuulo oo ka tirsan deegaanada dagaalka ka dhaceen dhulka lagu daray markii dab la qabadsiiyey.

Timire, Buulo Tiyeega, Buulo Waraay  iyo Geedo Barkaan ayaa lagu soo waramayaa in dab la qabadsiiyey hanti wixii ku jirayna ay sidaasi ku baaba’een. Caruurtii iyo haweenkii ayaa waxay ka talaabeen wabiga iyagoo adeegsanaayo doonyo macmal ah halka qaar kalena ay usocdaaleen tullooyin ka ag dhaw.

Beel ka tirsan beelaha dagaalamay ee laga itaalka roonaaday ayaa haatan waxay difaaca ugu jiraan tuulo aan sidaasi ugu fogeyn tuulooyinka la gubay oo la yiraahd Gaafaay.

Wax wadahadal ah oo lagu istaajinaayo dagalaada ayaanan muuqan mana jirto isku dayo lagu joojiinaayo dhiiga daadanaayo.

Dhanka kale dowlada ayaanan wax tilaabo ah ka qaadin dhiiga iyo taaha ka baxaya deegaanada dagaalada, waxayna ku guuldaraysatay inaay dagaalada joojiyaan.

inkastoo Maamulka gobolka ay ku baaqeen in dagaalada la joojiyo ayaa misana aysan qaadin tilaabo lagu joojin karay dagaalada iyadoo  laga yaabo in maalinta berri ah uu sii socdo.

Xaalada ayaa caawa degan iyadoo roobab da’ay ay suurtagaliyeen in dabkii tuuloyinka ay damaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed