2: 69 Jeer.
Dagaal culus oo ka dhacay Qansax dheere
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Dagaal muddo kooban socday una dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ah ayaa shalay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay ka dib markii ay degmadaasi ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Al-shabaab oo dhinacyo badan ka weeraray.
Sida warku sheegayo dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay inuu geystay khasaarooyin kala duwan, waxaana khasaaraha uu u badnaa dhinacyadii uu dagaalku dhaxeeyay, iyadoo dhinac walibana uu guul ka sheegtay, wuxuuna dagaalka ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay, iyadoo saacad ka badan uu socday dagaalka markii dambana u si iskiis ah u istaagay.
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere oo ka hadlay dagaalka dhacay ayaa sheegay inay weerar ku soo qaadeen degmadiisa xoogag taabacsan Al-shabaab, wuxuuna xusay inay iska difaaceen weerarkaasi, ayna kooxihii hubeysnaa dib ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen, ka dib markii sida uu yiri ay ku qasbeen inay dib ugu laabtaan.
“Degmada Qansax-dheere waxaa ka dhacay dagaal culus oo muddo socday, mana jiraan wax khasaare ah oo aan aragnay oo dhinaceena soo gaaray, laakiin waxaan idiin sheegayaa in dhincii Al-shabaab uu soo gaaray khasaare aan tiro ahaan heynin, dadka deegaanka waxay sheegayeen inay arkeen Al-shabaab oo meydad iyo dhaawacyo sii wata, laakiin annagu ma arkin wax meyd iyo dhaawac ah” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee dowladda Soomaaliya.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨