2: 1,107 Jeer.
Dabaal dagyadii Arsenal ee bosk4aad iyo waxa ayu ka dhaheen masuuliyiinta Nadiga iyo dhamaan Wargeysyada England
Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri
Dabaaldegi Arsenal iyo xalada Arsenal laga filayay iyo qiimaha booska championsleage loogu sobaxo ey leedahay dhanka Macalin Arsen Winger
in aan booska championsleage usoo baxno waa deeeq aan helnay,laakiin ma ahan booskii lanagu yaqaanay !!!!!!!!!
Dad badan ayaa iswdeydiiyay sababta Arsenal dabaal dega xoogan ugu sameyeen booska 4aaad.
waan dareemi karaa waxey u ekeed sida ayaga oo primierleage kuguuleystay.
qofkasto wuu dareemi karay waxey aheed axadi maalin cakiran maadaamo kooxda Tottenham ey ayadane uhanqaltaageysay booskan iyadane ciyaaartooda socotay iyagoo anaga natiijadaneena kala socday barta internetka ,ciyaartaan wey ka adkeed sida derby Northlondon in ey arsenal 1..0 ku khaarajiso Newcastle waxey aheed xanuun aad badan ooy dareemeen dhamaaan xidigiihii Totenham sida Adebayour Bale iyo rag kale kuwaas oo goorhore sii sheegay in totenham kataliso wuqooyiga London (waa halka ey Arsenal iyo Totenham kawada dhisanyihiin )laakiin Gunnerska ayaa cadeyay in North London Guduud sii ahaan doonto.
waa in aad fahantaaan in ciyaartooyda Arsenal in ey soo jareen 7 dhibic ey Totenham kasareysay Arsenal.laakiin howl culus ayey aheed shaqadaas,
waa runta Arsenal uma dhowo booska ey joogto kooxda horyaalka dhawaantaan loo caleemo saaray Man united laakiin hada taageerayaasha arsenal wey aqbali karaan hadey heleen booska 4aaaaaad
Arsenal ayaa ah kooxda 4aaad ee mushaarka ugu badan bixiso ee england ,halkaan waa halkii eey awooodeen in ey yimaadaan(kaalinta 4aad )
xusuus maalin maalmaha kamid ah ayuu ahaa hadalkii Wenger :Cup in aan qaadno waxaaan kajeclahay boooska 4aaad
8sanno cup la aan ah mawanaagsano sidaas waa hadalkiii Wenger uu sheegay ciyaarti Newcastle kadib.
dhanka kale hadaan ka eegno milkiilayaasha Arsenal qorshayaasha ey kooxda uhaayaan sanadka soocdo waxey ku tilmaameen qorsho qancin karo dhamaan taageerayaasha Arsenal .
Waxaa ina soo galay dhaqaalo aad nagu filan taasne bedelkeedo waxaan ku dhisi doonaa kooxda,,
Arsenal ayaa haaysataa dhibaato dhanka goalhaye,werar aan si toos ah loogu tashan karin tan iyo markii uu daaqada kabaxay ninki goalka dariska la aha RVP.
Dhanka kale maqaaaaalo uu qoray halyeeygii hore ee Gunners IAN wright wuxuu leyahay sidan:Arsenal waxey ubahantahay werar dhalin karo 20 goal leage sida Edvan cavani,
macalin Wenger ayaa loogacan geliyay 70 million si uu ciyaartoy ugu so iibsado iyo walibo mishaarkooda taasne kuma filno baahida sida Cavani,Falcoa oo ah xidiga buuxin karo si sax ah booski RVP.
tusaale ahaan kooxaha nala midka ah ee doonayo xidigahaas sida Cityiyiyo Chelsea waxey awoodaan mishaar kan aan bixino mid 2 iyo kabadan ku jibaarmo.
dhawaan ayey aheed markey Arsenal hishiiis lagaartay shairkada Puma oo ah tan ugu tanka weyn dhanka qalabka sports e England taas ooo Arsenal ,taasine waxey kasaacidi doanto ey hesho qarash kufilan suuqa kala iibsiga,
laakiin Arsenal ayaa kagoantahay ey helaan xidigo qaarada yurub magac kuleh sida Jovetic, Higuaín and Júlio César kuwaas oo latilmaamay hadey hesho Arsenal in ey dabooli karaan baahida dhanka weerarka iyo dhanka goolhayaha
Sikastabo ha ahaatee macalinka ugu waqtiga dheer Arsenal mr Wenger ayaa xili ciyaareedka danbe 2014 ugu egyahay hishiiska uu kooxda kula joogo.
cidne ma ogo waxa sanadka danbe Arsenal kasameyn doonto Primierleage ? laakiin waxaan rabaa in aan arko Arsenal oo guul kagaareyso horyaalka England sidi lagu yaqaanay.
kadib waan dabaal degi doonaa dhamaanteen si siman sidii lagu yaqaanay, waxaa sidaa ku afgobaadsaday gudoomiyaha naadiga Ivan Gazidis.
NB: xaquuqda warbixintan waxaa iskaleh wargeysyada the Sun iyo Guardian oo aan kasoo xiganay
WAXAA WARBIXINTAAN ISKU SOODUWAY: Salaahudiin Hussein Ahmed qabiir wax ka qora Sportiga iyo Arimaha Arsenal quseeya inta badan
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨