2: 1,376 Jeer.
(DAAWO SAWIRO MUCJISO AH). Hooyo Faadumo Nuuro Sh/Daahir Sh Cali Ciye isma laheyn Gabadhaada ayaa Mucjiso indhaha Dhiig uga keneysa.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Gabar Soomaaliyeed oo la xanuunsan xanuun mucjiso ah oo u baahan gargaar caafimaad oo deg deg ah
Dr Maxamed Cabdi oo ah dhaqtarka gabadhan gacanta ku haya ayaa soo jeediyey In gabadhan loo gargaaro.
Waxaan booqanay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho , qolka lixaad qeybta Recoveryga ee ugu dambaysa dhismaha cusub ee isbitaalka waqtigaas oo aan u kuurgalaynay xaalada gabadhan Soomaaliyeed oo laga dayrinayo, oo la xanuunsan xanuun mucjiso ah oo aan horey loogu arag qof Soomaali ah oo uu xanuunkaas horey ugu dhacay markii aanu wareysanay intii aanu haleeli karnay.
Nasro Sh Maxamed Maxamuud Cali Geelle oo ku dhalatay magaalada Muqdisho dadeedu ay tahay 23 sano jir, haddana ay qoyskeedu ku noolaayeen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa muddo hal sanno ah xanuunsaneyd .xanuunkan dareenka argagaxa leh ku abuuraya qofkii gabadha dhibanaha ah arka.
Dhaqtarka gacanta ku haya ayaa sheegay in gabadhan xaalkeedu uu aad u adag yahay, islamar ahaantaasna uu ka yaabay xanuunka gabadhan haya waxa uu yahay.
Haddaba iyadoo xaaladda Nasro ay tahay mid argagax leh ayaa waxaa markii aan gaaray isbitaalka ay indhahaygu qabteen Nasro oo indhaheedda; dhagaheedda, Afka, labada Ib ee naasaha iyo Sanka uu dhiig ka qubanayo,.
Hooyo Faadumo Nuuro Sh Daahir Sh Cali Ciye oo ah hooyadda gabadhan dhashay, kuna kali noqotay daryeelka gabadhan muddada xanuunkan masiibada ah uu hayey ayaa ii sheegtay in gabadheedda Nasro ay si aan kala joogsi lahayn muddadaas sanadka ah maalin walba iyo saacad walba oo ka mid ah ay la xanuunsanayd wadne garaac, gubasho, hur farabadan, iyadoo ay indhaheedu daboolmayaan xiliga uu xanuunkaas hayo.
Qolka ay jiiftay Nasro ayaa waxaa ka soo baxayay cabaad sidii qof ay wax qaniineen oo kale; waxana la maqlayay qeyladeeda oo xilliba xiliga ka dambaysa isku badelaysay taah markaa kaddibna uu imaanayo dhiiga ka soo baxaya meel walba oo kamid ah indhaheedda; dhagaheedda, Afka, labada Ib ee naasaha iyo Sanka.
Waxaan si aad ah aan uga sii qaracannay markii maro cad oo ku duubnayd madaxa Nasro ay hooyadeed noo sheegtay in ay tahay kafanteedii sidii qof ay ka samirtay nolosheedii oo kale.
Intii aan la joogay Nasro ayaa waxaa ii muuqanaysay firfircoonida iyo hanka ku jira gadhan xanuunsan oo xiliga xanuunka uu daayo wajigeeda ay ka muuqatay farxad rajana ka qabto in mar uun Alle ka caafiyo.
Hooyo Faadumo Nuuro Sh Daahir Sh Cali Ciye ayaa waxaa Illahay ka barisay in gabadheeda uu siiyo caafimaad “Ilaahoow caafimaad deg deg ah ii sii gabadheyda ayay laheyd“.
Faadumo Nuuro Sh Daahir ayaa mudadda aan la joognay waxa ay mar kasta nagu cel celinaysay in aan qeylo dhaan gargaar oo deg deg ah ka gaarsiino bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, ganacsatadda, culimaaudiinka, dawladda Soomaaliyeed, hayaddaha samafalka ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ummadaha muslimiinta ah iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta in ay tabaruc caafimaad u samayso gabadhan dhibaataysan.
Gabadhan oo ka soo jeedda qoys sabool ah, islarmarkaana ah Agoon aabbaheed lagu dilay dagaaladii sokeeye ee dalka ayaa waxa ay hooyadeed u mahad celisay dhaqaatiirta gudaha waddanka Soomaaliya oo ay sheegtay in aysan waxba la harin si ay ugu dadaalaan in gabadheeda ay caafimaad hesho balse ay awoodi waayeen in ay wax ka qabtaan xaaladeeda.
Hooyo Faadumo, iyo Dr Maxamed waxay u soo jeedinayaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay kala tacaalaan xaalada gabadhan oo u baahan in la badbaadiyo, taasoo si fudud loogu daweyn karo dalka dibadiisa haddii loo helo dhaqaale ama tabaruc caafimaad. Haddaba, ciddii ka danqaneysa ee Illahay uu wax u dhiibay oo doonaysa inay gabadhaas gacan siiso waxay kala soo xariiri karaan hooyadeed cinwaanadan hoose.
Hooyo Faadumo Nuuro Sh Daahir Cali Ciye
Tel/00252699414043
DAAWO SAWIRADDA:-
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨