1: Monday, July 8, 2013 - 17:26:32
2: 1,048 Jeer.

DAAWO SAWIRO:- Meydad isugu jira Somali iyo Ajaanib oo laga helay Hobyo

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Maydadk ku dhawaad Lix qof oo Saddex Soomaali ay yihiin midna uu ajnabi yahay ayaa maanta laga helay deegaanka Xiin-Dawaco oo ka tirsan deegaannada hoos-taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ciise Xasan Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan maamulka Galmudug, kuna sugan degmada Hobyo ayaa arrintan u xaqiijiyay Warbaahinta, isagoo tilmaamay in ay aaseen meydadka badda laga soo saaray oo loo maleynayo inay isugu jiraan shaqaale ka tirsanaa markab shalay ku quusay xeebta Xarardheere iyo burcad badeeddii haysatay markabka.

Markabka quusay oo lagu magacaabi jiray Albedo ayaa la sheegay in laga lahaa dalka Malaysia wuxuuna gacanta kooxaha burcad badeedda ku jiray ku dhowaad labo sano.

Meydadka ayaa waxaa la arkay iyaga oo ay cuntay badda iyo Caradda kuwaasoo lagaran waayay Muuqaalkooda balse la xaqiijiyay inay ku jiraan Ajaanib.

Meydadk ayaa waxaa lagu aasay deegaanka Xiin-Dawaco iyadoona lafaha iyo hilibka la garan waayay.

DAAWO SAWIRADDA:-

1

MMMMMMMMMM

LLL

KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed