1: Sunday, July 7, 2013 - 13:16:37
2: 692 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA):- Xayawaan Sabab u Noqday Xiriirka Jacayl oo Dhexmaray Lammaane Indho La’a ah.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jjj

Lammaane Ingiriis ah oo indha la, ayaa waxa ka dhex abuurmay xiriir Jacayl dad badan ka yaabiyey oo uu sabab u noqday laba ey oo ay kala lahaayeen.

Lammaanahan waxa jacaylkooda sabab u noqday laba ey oo ay damacsanaayeen inay u tababartaan taageerayaal ka caawiya indha la’aanta.

Mr. Mark Gaffey oo 52 jir ah Mrs. Claire Johnson oo 50 jir ah iyo, ayaa jacaylkoodu bilaabmay, kadib markii laba ey oo ay lahaayeen geeyeen xarun lagu tababaro eyda loo carbinayo adeegyada khaaska ah.

Labada ey lammaanahani kala wateen ayaa mar walba isku soo cararayey intii ay ku jireen xarunta tababarka, jeclaadayna inay is-ag-joogaan, taasoo sababtay in indhoolayaashani halkaas isku bartaan, kadibna xiriir sheeko iyo jacayl rasmi ah dhexdooda ka beermo.

Mr. Mark ayaa la sheegay inuu si weyn u jeclaaday haweenaydan, isagoo sida uu sheegay ay qalbigiisa biyo dhigeen hadalladeeda iyo siday ula dhaqanto.

Labada ey oo aan si joogto ah u kala fogaan, ayaa ku guulaystay inay si fudud isugu keenaan lammaanahan markasta oo ay xarunta tababarka ku kulmaan.

Mr. Mark oo ku dhashay indha la’aanta ayaa isagoo ka hadlayey jacaylka uu haweenayda la midka ah u qaaday waxa uu yiri, ‘’Waqti aannu labada ey tababar u geynay xarun lagu tababaro waxa noo bilaabantay neecaw qabow, sababtoo ah waxay labadan xayawaan horseed u noqdeen in aan helo lammaane nolosha iga gargaarta, kadib markay si joogto ah isugu soo yaaceen, labadayaduna waxaannu dareennaa markaannu kala maqannahay kalinimo. Aad baan u jeclaaday, waanan u sheegtay, iyaduna way soo dhowaysay’’ Ayuu yiri.

Sidoo kale, Mrs. Claire oo iyana uu arraga ka riday cudurka macaanku iyadoo 24 jir ah, ayaa sheegtay in jacaylkeeda ugu horreeyey qabtay kadib markii ay lammaanaheeda ku casuuntay inuu qaxwe meel kala cabbo, markii tababarka eydoodu dhammaaday.

‘’Aad baannu isugu soo dhowaannay, waxaanan xasuustaa Mr. Mark mar uu ii soo qoray odhaah ahayd, haddii aad ii aad oggolaato, dunida farxad baad ku waaraysaa.Waxay ahaayeen kelmado jacayl xambaarsan oo aad u qiimo badan, waxaanay ahayd markii uu ii sheegay 14 March oo ku beeganayd maalintii jacaylka adduunka’’ ayey tiri Claire oo ka hadlaysa  jacaylkeeda.

Lamaanahan ayaa u ballansan inay is-guursadaan waqtigii jacaylkoodu hana-qaaday oo ku beegan bisha March ee sannadka soo socda, iyagoo aqal-galkoodana u qorsheeyey inuu ka dhaco hoteelka Barlaston´s Upper House oo ku yaal dalka Ingiriiska.

W/Q. Ibraahim Khadar Siciid

Email:-

DAAWO SAWIRADDA:-

jjj

JJJJ

kkkk

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed