1: Saturday, June 29, 2013 - 10:27:40
2: 531 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA):- Taraafikada London oo Qabtay Maalqabeen Reer Qatar ah oo ku Tamashlaynaya Lamborghini Aan liisan iyo caymis midna lahayn.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Ciidamada nabad galyada Waddooyinka Dalka Britain ayaa gacanta ku dhigay, gaari kuwa raaxada ah oo uu wato nin carab maal qabeen ah oo ka soo jeeda dalka Qatar ee Khaliijka Carabta, gaarigan oo aan lahayn Ruqsada wadista gaadiidka iyo tan caymiska Enshurance ayaa boolisku ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa sheegay, in gaarigan oo la aaminsan yahay in uu watay nin ka tirsan qoyska boqortooyada ee dalka Qatar, ka taliya, laga qabtay Khamiistii, degaanka Knightsbridge ee bariga Magaalada London, kaas oo midabkiisu yahay, nooca hurda ama aan la sifayn karin ee midabada kala duwan sameeya.

Gaarigan oo qiimihiisu nus milyan dollar ka badan yahay, sida jariiradu sheegtayna dhan yahay sadex boqol iyo konton kun oo lacagta istarliinta ee dalka Ingiriiska ah, ayaa boolisku joojiyay isaga oo ku hor sugan suuq laga adeegto, halkaas oo  markii la waydiiyay, waraaqaha waddo marista ama liisanka waddo marista uu waayay ama dirawalku soo saari kari waayay, isla markaana laga waayay waraaqaha caymiska ama Enshurance-ka loo yaqaano, ka dibna ay halkaas boolisku ka jiiteen iyada oo ay daawanayaan dad badan oo Ingiriis ah oo markii hore sawiro ka qaadanayay, kana yaaba quruxdiisa iyo qaaligiisa cida wadan karta.

W/Q. Faysal Maxamed Xasan

DAAWO SAWIRADDA:-

u_103284d_2013-6-29-0-12-27f_article-2349575-1A884C4A000005DC-473_634x424

u_103284d_2013-6-29-0-12-56f_article-2349575-1A884A97000005DC-639_634x424

u_103284d_2013-6-29-0-13-29f_article-2349575-1A884C8E000005DC-239_634x424

u_103284d_2013-6-29-0-13-59f_article-2349575-1A884CA6000005DC-636_634x424

u_103284d_2013-6-29-0-14-28f_article-2349575-1A884C76000005DC-619_634x423

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed