1: Monday, July 1, 2013 - 12:59:25
2: 1,344 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA). Nin miineysan oo doonaayay inuu is Qarxiyo oo isaga iyo Miinooyinkiisa la qabtay.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Warbaahinta Dalka Afgaanistaan, ayaa daabacaday, Warbixin ku aadan in Ciiddamadda Dalkaasi ay gacanta ku dhigeen Shaqsi doonaayay inuu is qarxiyo.

Ciiddamadda ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen inta uusan Shaqsigaasi geysan Khasaaraha, xilli uu kusugnaa Xuduuda ay wadaagaan Dalalka Bakistaan iyo Afghaanistaan.

Warbaahinta ayaa daabacday in Shaqsigaasi uu ahaa mid argagaxsan isla markaana ay Ciiddamadda sidaasi ku garteen oo ay isla markiiba gacan ku dhigeen.

Ciidamada Afghaanistaaniyiinta ayaa waxa la sheegay inay ku wareejiyeen Shaqsigaasi Ciiddamada Mareykanka ee dalkaasi kusugan waxaana ninkaasi laga soo qabtay Magaalada Jalalabad ee xuduuda ku yaalla.

Ugu dambeyntii, Shaqsigaasi ayaa waxaa la badbaadiyay noloshiisa isagoona isku xiray qalab badan oo loogu tala galay in uusan ruux ka baxsan Qaraxaasi.

DAAWO SAWIRADDA:- 

3

1

2

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed