2: 1,017 Jeer.
(DAAWO SAWIRADDA). Nin dalbaday in loo muuqaal ekeysiiyo Sheydaan iyo Dowladda Britain oo dhaqaale ku bixisay qaliinka lagu sameeyay balse Maxkamada ay ka Mamnuucday Inuu Dibada u soo Baxo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Dunidan aynu ku noolahay waxa ka jira dhacdooyin badan oo layaab leh iyo dad ku kacay, ficilo dad badan ka fajiciya, sida Somalidu hore ugu maahmaahdayna waxaad ceebta u taqaan rag bay caadadood tahay.
Sida ay ku warameen qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Britain nin u dhashay waddankaas, ayaa dawlada Ingiriisku ku maal galisay lacag tiro badana ku siisay qaliino uu wajigiisa ku badalayo, si uu aad ugu fool xumaado uguna ekaado sida la wariyay Shaydaan.
Ninkan oo lagu magacaabo, Gavin Basilo oo 39-Jir ah, ayaa ka mid ah ciidamada nabad galyada ee dalka Britain, waxaanu dawladiisa waydiistay lacag uu ku dhalan badalayo wajigiisa.
Ninkan ayaa markii lagu sameeyay qaliino kala duwan, loo sameeyay laba gees oo wajiga labadiisa kood inay ka soo baxeen aad moodo iyo indho kala jeeda, waxa kale oo loo sameeyay laba miciyood oo dhaadheer iyo waji aad u fool xun oo argagax aad ka qaadayso markaad aragto.
Maxkamad ku taala dalkaas ayaa ninkan ka mamnuucday inuu dhex socdo magaalooyinka ama meelaha fagaarayaasha ah u soo baxo, waxaanay maxkamadu gabi ahaanba ka reebtay in habeenkii lagu arko dibada gurigiisa.
Ninkan oo dadka ka cabsadaan, haweenka iyo carruurtuna ka didan aragiisa ayaa isku arka qof caadiya laakiin iminka u muuqda mid ka qoomamoonaya sida qaabkiisi isku badalay oo aad u fool xun, waxaana la rumaysan yahay in shayaadiin iyo waxyaabo uu caabudi jiray u hor kaceen ficilkan badalay abuurkiisi rabaaniga ahaa.
Hore Ayuu Rabi Inoogu sheegay in Baniaadmigu markay bilaa diin noqdaan ay ka hoos Maraan xoolaha iyo mayeedhaanka, Acuudu Bilaahi Mina shaydaani Rajiim ayaynu leenahay Illaahayow Ibliis iyo xertiisa naga nabad gali.
W/Q. Faysal Maxamed Xasan
DAAWO SAWIRADDA:-
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨