1: Friday, June 7, 2013 - 18:34:28
2: 1,501 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA). Madaxweyne Caan ah iyo Marwadiisa oo Saxaafadda Horteeda isku furay.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Vladimir Putin announces separation from wife Lyudmila - video

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Lyudmila, ayaa khamiistii shalay shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u kala tageen, oo guurkoodi dhamaaday, waxaanay taasi soo afjaraysaa, muddo Sodon sanadood ah oo lamaanahani ay is qabeen.

Qoyska reer Putin oo is guursaday sanadkii 1983-dii, ayaa soo maray marxalado kala duwan oo si wayn, jacaylkoodu cirka ugu shareernaa, hasa yeeshee afartii sanadood ee ugu danbeeyay, may ahayn lamaanahani kuwo si dhab ah isku qabay ama u wada joogay.

Sida warbaahinta dalka Ruushka iyo waddamo kale oo dunida ka mid ahi tilmaantay haweenayda Marwada koowaad ee dalka Ruushka ku magacawnayd Mss, Lyudmila, ayaan tan iyo bishii April ee sanadkii hore aan lagu arag meel fagaare ah ama iyada oo bar bar socota odaygeeda, wakhtiyada uu tagayo safarada dibada iyo xaflada qaranka ugu mudan.

Qoyskan ayaa intii ay wada joogeen isku dhalay laba hablood oo lagu kala magacaabo, Maria, (27-jir ah) iyo Yekaterina,oo (26-jir ah), waxaanay ahaayeen laba qof oo aan is qabin isna furin ka hor intaanay si rasmi ah ugu dhawaaqin in ay is fureen oo guurkoodi soo gaba gaboobay.

Wakaalada wararka Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid lagama maarmaan noqotay, oo lamaanahani ka badin waayeen inay yeelaan, si ay u soo gabo gabeeyaan muranka iyo sheekooyinka la isla dhex marayay suuqyada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ah nin hal adayg leh, waxa uu ka mid yahay hogaamiyayaasha raadaynta leh ee dunida, waxa kale ee uu ka mid yahay madaxweynayaasha ciyaaraha kala duwan xarfaanta ku ah, sida legdinta, fardo fuulka iyo kuwo kale, waxaanu dalkiisa ka talinayay muddo labaatan sano ku dhawaad ah.

W/Q.Faysal Maxamed Xasan

DAAWO SAWIRADDA:-

6a00d8341bf8f353ef01901d1310f0970b-800wi

Vladimir Putin announces separation from wife Lyudmila - video

u_101552d_2013-6-7-4-50-9f_article-2337048-00D16D8C000004B0-670_634x841

u_101552d_2013-6-7-4-51-1f_article-2337048-12061165000005DC-866_308x442

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed