2: 2,375 Jeer.
(DAAWO SAWIRADDA). Dadyoowga Somaliland oo ka carooday sida Britain loogu soo dhaweeyay Siilaanyo iyo Wafdigiisa (is barbar dhig soo dhaweyn Xassan Sheikh iyo Siilaanyo Britain)
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Iydoo Wafdigii la socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud Socdaalkii ugu horeeyay Dalkaasi Britain lagu soo dhaweeyay Soo dhaweyn aan horay loo arag, waxa uuna Ra’isul wasaaraha Dalkaasi Britain David Camirun uga hor imaaday Albaabka ama Banaanka taasoo Muujineysa in Dowladda Britain ay aaminsan tahay in Somalia uu leeyahay hal Madaxweyne wixii ka soo harana ay yihiin Madax Goboleedyo.
Ra;isul wasaaraha Brian oo la kulmay Wafdi uu Hoggaaminaayay ayaa waxa uu ku dhex qaabilay Xafiis aan ahayn Xafiiskiisa isagoona u salaamay si jees-Jees, waxaana Soo dhaweyntaasi sharac la’aanta ah ka carooday Bulshadda ka soo jeeda Maamulka Somaliland oo dhaliilay habka Devid Camirun uu u salaamay Wafdigii Siilaanyo ee gaaray Britain.
DAAWO SAWIRADDA:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh oo looga Hor imaaday Albaabka Banaanka xiligii uu Booqday Britain loona soo dhaweeyay Soo dhaweyn heer sare.
Madaxweynaha oo lagu qaabilay Xafiiska Ra’isul wasaaraha
DAAWO SAWIRADDA SIILAANYO IYO WAFDIGIISA OO ISTAAG LAGU SOO DHAWEEYAY ISLA MARKAANA SI JEES-JEES UU KU JIRO LOO SALAAMAY.
Wafdiga Siilaanyo oo loo soo dhaweeyay si Jees-Jees ah iyadoona ay Garoonka ka soo qaadeen Sakarteerada Xafiiska Devid Camirun, waxaana loo salaamay si ay yasitaan ku jiro …. Eeg Gacanta Devid Camirun oo aan si fiican u qaban gacanta Wafdiga.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨