1: Saturday, June 22, 2013 - 18:28:48
2: 471 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA). Amaan loo jeediyay Ragga Xaaskooda Raashiinka la kariyo lana qabto Hawlaha guriga.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

935861_534958316539719_1500196936_n

Hooyo Fartuun Jaamac, waxa ay kamid tahay Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool magaallada Muqdisho, ayaa waxa ay amaantay qaabka ay Ragga Soomaalida u garteen inay caawiyaan Xaasaskooda.

Waxa ay sheegtay in Dhibaatooyinka ku habsaday Somalia ay qeyb ka noqdeen ragga la tacaamulka Xaaskooda, balse hadda ay garwaaqsadeen inay garbiyaan dumarkooda.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in xilliyada qaar ay raashiinka la kariyaan Xaaskooda halka mar marna ay Saddaxda Wakhti guryaha ka karshaan Raashiinka.

‘’Raggeena hadda ayee barteen in noloshu ay tahay in wax waliba leysla qabto, xilligii hore raga waxa ay ahaayen kuwa adag, balse hadda wey fahmeen nolosha dhabta’’ sidaa waxaa yiri Hooyo Fartuun Jaamac.

Waxa ay intaa ku dartay Hooyo Fartuun Jaamac, in Ragga kale loo baahan yahay inay ku waano qaatan Ragga asxaabtooda ee wax la qabtaan xaaskooda loogana baahan yahay inay iska dhaafan cunsuriyadda oo ay usoo jil-caan xaaskooda.

Ugu dambeyntii, Hooyo Fartuun Jaamac waxa ay soo dhaweysay qaabka ay Ragga Soomaalida u garteen kaalinta ay ku leeyihiin hawsha guriga, iyadoona amaantay kuwa wax la qabta Xaaskooda.

DAAWO SAWIRADDA:-

935861_534958316539719_1500196936_n

hhhh

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed