Waxaa la daabacay: Thursday, May 29, 2014 - 15:54:12
Waxaa la aqristay: 2,136 Jeer.

DAAWO SAWIRADA. Haweeney badsatay Isticmaalka Dawooyinka qeybta dambe ee Jirka lagu weyneeyo oo Nooc kale kusoo baxday

Waxaa Qoray:

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawoooyinka gaar ahaan loo isticmaalo dhanka isqurxinta ayaa ah mid ku soo badaneyso haatan dalalka aduunka hormaray ayadoona quruxda ay iminka gashay meel aan laga soo saari karin.

Sida aad ku aragtaan haweenka aduunka ku dhaqan waa kuwa ku kala tartama sidii ay u quruxsan lahaayeen wijigooda iyo dhamaan jirkooda waxaana mudooyinkii ugu danbeyay caalamka uu ahaa mid aad ugu soo badanayay in wax laga badalo gaar ahaan inta dhexe ee haweenka ama meesha loo yaqaano Bistooladaha waana mid keentay gabadhaan 25-sano jirta ah in uu dhumo muuqeeda iyo sidii uu eebe markii hore u abuurtay.

Police-ka gobolka Miami ayaa gacanta ku soo dhigay Dhaqarkaasi ayadoona loo heysto si qaldan oo uu u siiyay daawo gabadhaasi qurux raadiska aheyd waxaana loo heysta sida uu u kala badiyay muuqaalka jirka gabadhaaasi.

Ms. Juily ayaa ah gabar haatan ka walwalsan sida ay noqotay ayadoona markeedii hore ay aheyd mid aad u qurux badan balse waxa ay sheegtay in ay ka shaleysay in ay wax ka badasho jirkeeda oo haatan kala lumay ama isku dhaxyaacay.

Dalka Kenya oo aan haatan ku suganahay ayaan ku arkay goobo badan oo lagu quruxiyo haweenka gaar ahaan kuwa doonaya in ay kordhiyaan quruxda uu eebe siiyay kuna qanacsaneen intooda badan maadaama ay gaalo yihiin, waxaana lagu qoraa qeybta dhexe ee jirka ama salka oo ah goobaha ugu badan ee haweenka ay wax ka badalaan iyo waliba dhanka Lugaha oo iyana aad ay u jecelyihiin in ay ka dhigaan kuwo aad u buurbuuran.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨