2: 939 Jeer.
Daawo Sawirada Adnan Januzaj oo ka soo muuqday tababarka xulka Belgium
Waxaa Qoray: Mohamed Qadar Ibraahim Dahir
Adnan Januzaj ayaa markii ugu horeysay tababar la bilaabay xulka dalkiisa uu doortay dhawaaan ee Belgium oo isu diyaarinaya kulamada saaxibtinimo ee ay la ciyaarayaan Luxembourg iyo Sweden ka hor koobka Adduunka.
19 jirkan Manchester United ayaa kamid ah 11- xiddig oo ka ciyaara Premier league kuna biiray tababarka Marc Wilmots oo ah macalinka koobka Adduunka hogaaminayaa dalkan.
Belgium ayaa la ciyaaraya Isniinta dambe Luxembourg Januzaj ayaana England kala yimid saaxibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Fellaini, Vincent Kompany iyo xiddiga Chelsea Eden Hazard.
Bishii hore wiilkan ayaa ku dhawaaqay inuu Xulka Belgium u ciyaarayo koobka Adduunka maadaama ay isku heysteen dhalashadiisa dalal badan oo England ay kamid aheyd.




FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨