1: Tuesday, May 28, 2013 - 15:20:45
2: 900 Jeer.

Cristiano Ronaldo oo laga dhigi doono ciyaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka waa maxay sababta?.

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

ronaldo ok
Kooxda Real Madrid gudoomiyahooda  Florentino Perez  ayaa waxa uu diyaarinaayaa in ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo uu ka dhigo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka si uusan ugu tagin garoonka Bernabeu xitaa hadii uu baxo macalinka Jose Mourinho.

Perez ayaa yiri sidaan: ‘waxaan jeclahay in aan siiyo Cristiano Ronaldo mushaarka ugu badan ee aduunka laga bixiyoto . waxaan siineynaa wax walbo oo gacanteena ku jiro si uusan u tagin.’

Ciyaaryahankii hore ee kooxda  Manchester United ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa lala xiriirinaayay in uu dib ugu laabto garoonka Old Trafford  ama uu ku biiraayo kooxda Paris Saint-Germain,balse gudoomiye Perez ayaa si cad u sheegay in xidigaan uu sii joogayo kooxda Madrid.

Ronaldo ayaa iminka waxa uu yahay ciyaaryahanka ugu qaalisan dunida waxaana lagu soo iibsaday sanadkii 2009-ka lacago gaaraya £80m oo gani,tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda reer Spain ayaaa waxa uu u saftay 135-kulan waxa uuna u dhaliyay 146-gool.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciyaaryahankan uu kooxda u qabtay howl weyn la’aantiisana aysan kooxda socon Karin.

Perez ayaa nan cadeyn mushaarka aysiin doonan xidigaan balse waxa uu cadeeyay in mushaarka loo kordhin doono si uusan kooxda ugu tagin.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed