2: 815 Jeer.
C/raxmaan Faroole oo sheegay Shuruudo adag iyo isaga oo Hanjabaad u diray Xukuumadda Somalia.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole), Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Somalia aya isku dhex yaacisay Howlihii loo idmaday ee Dalka.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay Xilli uu Khudban ka jeedinaayay Xaflad ka dhacday Magaalada Garoowe, isagoona sheegay in nidaamka Dowladnimo aysan jirin cid si gaar ah uleh,loona baahan yahay in la fuliyo sharciyada uu qabo Dastuurka Qaranka, sida uu hadalka u dhigay.
Faroole, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda uu taageerayo haddii ay fulineyso Arrimaha Dastuur, haddii intaa laga waayana uu sidiisa usii ahaan doono ruux ka soo horjeysto.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, waxa uu sidoo kale, sheegay in haddii wax laga bedeli waayo Dastuurka ay sameyn doonaan ,kacdoon lamid ah kii ka dhacay dalka Masar ee xilka looga qaaday Madaxweyne Mursi, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, Faroole, ayaa waxa uu soo hadal qaaday in shirar ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay dowladda garwadeen ka tahay sida uu sheegay lagula dagaalamayo,maamulka Puntland iyo midka Axmed Madoobe ee Kismaayo,taasina wuxuu sheegay inay ka hala hadleen madaxda Dowlada.
Haddalada uu Munaasabadaasi ka jeediyay C/raxmaan Faroole, ayaa waxa uu isugu jiraa Hanjabaa iyo in la fuliyo rabitaankiisa Walow madaxda Dowladda ay dhowr mar horay u sheegen in Arrimaha dalka iyo Dastuurka aysan cid kala tashan doonin.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨