2: 995 Jeer.
Ciyaariyahan caan ah oo daawaday kulan kasta oo Arsenal ay ciyaartay xagaagi dhamaaday
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kubad bur buriyaha kooxda Anzhi Makhachkala , Odil Ahmedov ayaa sheegay in aaney dhaafin hal ciyaar kulamadii kooxda Arsenal ee xagagi dhamaaday.
Laacibka wadanka Uzbekistan ayaa usheegay jariirada Russia ka soo baxda ee Izvestia in uu aad ujecl yahay kooxda Arsenal uuna doonayo in uu ku biiro.
Arsenal ayaa lala xiriirinayay laacibkaan tan iyo xagaagi hore si uu badal ugu noqdo Alex Song oo xagagii hore ku biiray Barcelona.
25 jirkaan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay wararka lala xiriinaya Arsenal.
“Waa run waan xiseynaya in aan ku biiro Arsenal,waxaan daawaday ciyaar walba oo ay ciyaareen xagagii dhamaaday ,hadii aan udhaqaaqo halkaas waxaa ay ii noqon doontaa guul weyn ,laakiin wali qiimaha ay igu raban masheegin ayuu Odil Ahmedov usheegay Izvestia.
Laacibkaan ayaa ku soo biiray kooxda Anzhi Makhachkala 2011-kii ,waxaana uu ilaa hada usaftay 60 kulan waxaana uu udhaliyay labo gool.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨