646 views

Welbeck oo markii ugu horeysay tagay Brazil ,laakiin muxuu xasuustay markii uu tagay Brazil?

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Weeraryahanka kooxda Manchester United Danny Welbeck ayaa markii ugu horeysay nolashiisa waxaa uu tagay wadanka Brazil,xili ay England axada wajihi doonto Brazil.

Laakin Mr Denny markii uu gaaray Rio De jinero kuma mashquulin daaraha isku raran ka ah ee waxaa uu soo xasuustay goolkii uu Ronaldinho ka dhaliyay England koobkii aduunka ee 2002.

Danny Welbeck waxaa uu ahaa 11 jir ,mana uusan bilaabin xitaa dugsiga sare markii uu Ronaldino laadka xorta ah ku reebay Ingriisa 21 –kii June 2002.

Markii uu gaaray Brazil ayaa Welback la weydiiyay waxa uu ku xasuusanayo Brazil.

“Waxa iigu weyn waa goolkii uu Ronaldinho ka dhaliyay England ,waxaa uu ahaa Free kick uusan qofna iloobi doonin ,waan yaraa waxaan xasuustaa in qoyskeena oo dhan aan dhalo ka daawaneynay ciyaarta ,sidoo kale heesaha Brazilian-ka waan ka helaa ayuu yiri Danny Welbeck.

Ronaldinho ayaa England ka dhaliyay laad xor ah oo uu ka soo laaday meel goosha ujirta 42 mitir,waana gool xusuus ku reebay England.

Halkan ka daawo goolkii uu Ronadinho ka dhaliyay England

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨