Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka Arsenal vs Man City.
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Kooxda difaacaneysa Premier League ayaa caawa marti ku ah garoonka Emirates ee waqooyiga magaalada London .
City malahan sadex ujibaar taariikhda ay leedahay kooxda Arsenal ,laakin waxaa hubanti ah in sadexdii la soo dhaafay laga wanaagsanaa Arsenal.
Olivier Giroud ayaa ayaa shaki laga galinaya kulanka galabta kadib markii uu dhaawac ka soo gaartay kulankii Swansea.
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Abou Diaby ayaa dib ugu soo laabtay garoomada waxaana lagayaba in uu ciyaaro kulankaan .
Samir Nasri ayaa wali City ganaax uga maqan halka Ageuro uu wali dhawaacan yahay waxaana City niyad jab ugu filan maqnaan shahada walaalaha reer Toure oo ku maqan Africa.
Waxa ugu weyn ciyaartan
Ma,ogtahay in aaney Man City 38 sano ku badin guriga Arsenal iyagoo ku badinayana waxaa ugu dambeysay 4 –tii October 1975-tii.
City ayaan lix sano gool ku dhalin guriga Arsenal,waxaana DaMarcus Beasley uu ahaa ninkii ugu dambeeyay ee halkaas gool ugu dhaliya ciyaar ku dhamaatay 3-1 oo dhacday bishii April 2007.
Gool haye Joe Hart ayaa sameyn doona kulankii 200 aad ee kooxda Manchester City.
Labadan koox ayaa ku kulmay Premier League 155 ciyaarood waxaana Arsenal ay badisay 81 jeer halka kooxda Man City ay badisay 36 kulan waxaana ay bar bar dhac galeen 38 ciyaarood.
Dhaman tartamada labadaan koox ayaa kulmay 182 jeer waxaana 93 ka mid ah adkaatay kooxda Arsenal halka City ay badisay 48 jeer waxaana ay bar baro galeen 41.
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
ARSENAL
Szczesny
Sagna, Mertesacker, Vermaelen, Gibbs
Arteta, Wilshere
Oxlade-Chamberlain, Cazorla, Podolski
Walcott
MANCHESTER CITY
Hart
Zabaleta, Nastasic, Kompany, Clichy
Garcia, Barry
Silva, Tevez, Milner
Dzeko
Ciyaartaan oo ka dhici doonta garoonka Emirates waxaa dhex dhexaadin doona garsoore Mike Dean waxaana laga dawan doonaa geeska Afrika 7:00 fiidnimo.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by