1,681 views

Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda iyo maanta oo Sabti ah

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


PSG ayaa ku adkaatay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda AS Roma, Marquinhos kaas oo la sheegay in ay ku qaateen aduun dhan 31.4 million oo euro waxaana uu saxiixay heshiis shan sano ah ,waxaana dhiman in labada koox ay si rasmi ah ushaaciyaan iyadoo saxiixisa lagu garacay Barcelona iyo Man United.

(Reuters)

Weeraryahanka kooxda Liverpool,Luis Suarez ayaa usheegi doona kooxdiisa Reds in uu doonaayo in uu ku biiro Arsenal ,marka uu kula kulmo Australia asbuucan.

( Daily Mirror)

Kooxaha Paris Saint-Germain, Monaco, Anzhi iyo Manchester City ayaa dhamaantood diyaar u ah in ay €120 million ku qaataan xidiga aduunka iyo kooxda Barcelona , Lionel Messi.

(AS)

Kooxda Arsenal ayaa soo xireysay maalmaha soo socda saxixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Mineiro , Bernard kaas oo lagu wado in ay ku soo qaatan aduun dhan €25 million oo euro.

(Daily Mail)

Gool hayaha kooxda Liverpool ,Pepe Reina ayaa aqbalay in uu heshiis amaah oo hal sano uu ku aado kooxda Napoli si uu dib ugula midoobo tababare Rafael Benitez.

( The Guardian)

Barcelona ayaa xooga saareysa saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Liverpool , Daniel Agger kadib markii ay Barcelona ku hungowday saxiixa Thiago Silva iyo David Luiz.

( Daily Mirror)

Koooxda Newcastle United ayaa qarka usaaran in ay ku garacdo Aston Villa saxiixa weeraryahanka Lyon , Bafetimbi Gomis. ,kooxda Magpies ayaa diyaar u ah in ay £7 million ku soo qaadato xidigaan si uu badal ugu noqdo Papiss Cisse kaas oo diiday in uu xirto funaanada kooxda.

( Daily Mirror)

Kooxda Napoli ayaa qarka usaaran in ay heshiis la gaartay weeraryahanka wadanka Brazil, Leandro Damiao si uu badal ugu noqdo Cavani ,waxaana ay kooxdiisa Internacional ku qiimeysaa €25 million oo euro.

(Rádio GreNal)

Tababarayaasha Fabio Capello iyo Andres Villas Boas ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka lala xiriirinayo shaqada tababarnimo ee kooxda Barcelona kadib markii uu xanuun dartii shaqada uga tagay Tito Vilanova.

(Sport)

Kooxda Real Madrid ayaa dooneysa in ay mid uun lasoo saxiixato xagaagan labada nin ee Luis Suarez iyo Zlatan Ibrahimovic kuwaas oo ah dooqa tababare Ancelotti.

(AS)

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨