Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda iyo maanta oo Axad ah
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa wali aaminsan in ay la saxiixan karan weeraryahanka kooxda Manchester United ,Wayne Rooney in kastoo uu macalinkiisu uu sheegay in uusan Rooney iib aheyn
(Daily Mail)
Manchester United ayaa lagu soo waramaya in ay si la yaab leh ugu dhaqaqday saxiixa daafaca garabka bidix ee wadanka Brazil , Guilherme Siqueira kaas oo uciyaara kooxda Granada waxaana ay umuuqata in ay United dhib ku noqotay in ay helaan Leighton Baines.
(Daily Star)
Daaficii hore ee kooxaha Arsenal, Celta Vigo, Barcelona iyo Manchester City, Sylvinho ayaa ku biiray kooxda reer Brazil ee Corinthians iyadoo loo magacabay tababare ku xigenka kooxda.
(Clubcall)
Wakiilka xidiga kooxda Man United ,Luis Nani ayaa sheegay in xidigaan uu ku biiri karo kooxda AS Roma ,xili uu mustaqbalkiisu shaki jiro.
(The Mirror)
Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa wali isku heysta saxiixa Luis Suarez iyagoo sidoo kale isku heysta saxiixa Wayne Rooney.
( Sunday Mirror)
Weeraryahanka kooxda Sevilla, Alvaro Negredo ayaa lagu soo waramaya in uu qarka usaaran yahay in uu £20m ugu wareego dhanka kooxda Man City asbuucan.
( Mail on Sunday)
Arsenal ayaa wada hadalo la furtay tababare Arsene Wenger si ay heshiis waqti dheer ah uga saxiixdo xili uu bartilmaameed uyahay PSG .
(The Sun)
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Thiago Alcantara oo 22 jir ah ayaa heysta fursad fiican oo uu kula biiri karo kooxda Man United asbuucan
(The Observer)
Kooxda Tottenham ayaa qorsheyneysa in ay £20m ku soo qaadato xidiga Aston Villa Christian Benteke, laakiin waxaa ay sugayan ilaa uu ka bilawdo xagaagan.
( The Sun)
Kooxda Norwich City ayaa lagu soo waramaya in ay amah ku dooneyso xidiga 19 jirka ah ee kooxda Manchester United ,r Nick Powell,
( The Sun)
Weeraryahanka 28 jirka ah ee kooxda Arsenal , Lukas Podolski ayaa sheegay in uusan wax cabsi ah ka qabin imaatinka Gonzalo Higuain ee kooxda Arsenal uuna soo dhoweyn doono.
(Goal.com)
Daafaca reer Portugal Ricardo Carvalho ayaa sheegay in ciyaariyahan Fabio Coentrao uu doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid laakiin dhan kale Carvalho waxaa uu ku adkeystay in Ronaldo uu saxiixi doono heshiis cusub.
(Goal.com)
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by