1,392 views

Wararkii ugu dambeeyay Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Kulankii wacan asxaabey kuna soo dhowaada wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda aduunka.

Daafaca kooxda Chesea , Branislav Ivanovic ayaa dalab ka helay kooxda reer France ee Monaco ,kadib markii ay ku fashilmeen kabtanka Man City Vicent Kompany.

(Daily Mail)

Radamel Falcao ayaa maanta caafimaadka umaraya kooxda AS Monaco ee wadanka France ,waxaana sixiixisa lagu garacay kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

(The Guardian)

Manchester United ayaa umuuqata in lagu garacay saxiixa weeraryahanka Poland, Robert Lewandowski kadib markii la sheegay in uu ku dhowyahay Bayern Munich

(The Telegraph)

Zidane ayaa lagu amray in uu si walbaba kooxda Real Madrid ku soo biiriyo Gareth Bale waxana uu hada qiimihisu maraya £60milion.

(Daily Mail)

Kubad sameeyaha Malaga Isco ayaa muuqda mid ka tagi doona kooxdiisa ,waxaana lala xiriirinaya kooxda Manchester City.

(Metro)

Zenit St Petersburg macalinkeeda Luciano Spalletti ayaa diiday in uu meesha ka saaro in Andrey Arshavin uu dib ugu soo laabto kooxda .

(Sky Sports)

Liverpool ayaa go,aan satay in ay ku dagaalanto Luis Suarez,kadib markii ay Real Madrid usoo bandhigtay £40m

(The Sun)

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay £10million ku soo qaadato gool hayaha kooxda Sunderland Simon Mignolet.

(Telegraph)

Manchester City ayaa gacanta ugalin doonta tababare Manuel Pellegrini £100milion si uu wajiyo cusub ukeeno Etihad Stadium.

(The People)

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨