Waa kuma Paulinho? waligey ma maqlin Paulinho-sidaa waxa yiri Assou-Ekotto
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Xidiga daafaca bidix ee kooxda Tottenham, Benoit-Assou-Ekotto ayaa sheegay in uusan waligii maqlin xidiga ay kooxdiisu ku soo qaadatay £17million ee Paulinho.
Isagoo Tv wareysi siinayay ayuu iska fogeeyay in uu maqlay xitaa magaca Paulinho.
Sidoo kale laacibka Cameroon ayaa sheegay in uusan horey umaqlin xidigii hore ee Tottenham Rafael van der Vaart ka hor intii uusan ku arkin tababarka kooxda Spurs.
“Ma maqlin magiciisa hada ka hor ,waxaan maqlay tageerayasha oo leh waxaan nagu soo biiraya Paulinho balse horey uma maqlin.

“Labo ama sadex sano ka hor , Rafael van der Vaart ayaa yimid xarunta tababarka waxaa uu igu yiri hello,laakiin aniga ma,aqoonin in uu yahay Van der Vaart maxaa yeelay horey uma maqlin.
Ma aqaano dadka aniga iyaqaana ayuu hadalkiisa ku daray Benoit-Assou-Ekotto.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by