114 views

Vilanova “Sanchez kuma biirayo Juventus”

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Tababraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa dajiyay waraka sheegaya in ciyaaryahankooda Alexis Sanchez uu u dhaqaaqi doono kooxda Juventus bisha January waxa uuna ku sheegay been abuur warkaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayeen in kooxda wadanka spain iyo tabaraha kooxda Juventus Antonio Conte ay ka wadahadleen macquul ahaan shaha xidiga wadan Chile in kooxda reer talyaani lagu wareejiyo balse sheekadaan waxaa gaashaanka ku duftay 44-jir macalinka u ah kooxda Barcelona waxa uuna sheegay in sinaba uusan dib ugu laaban doonin dalka talyaaniga ciyaaryahankii hore ee kooxda Udinese ee iminka kooxda Barcelona uciyaara.

“ Wiilkaan waa uu wanaagsan yahay qandaraas mudo dheer ayuu la leeyahay kooxda Barcelona sidee ayuu u tagayaa sidaas waxaa ESPN usheegay tabaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova”

Sanchez ayaa ku soo biiray kooxda Blaugrana sanadkii 2011 ka dib markii ay ku soo iibsadeen qiimo lacgeed gaaraya €26m, waxa uuna kooxda iminka usaftay kulamo gaaraya 56-kulan waxa uuna u dhaliyay goolal gaaraya 16-gool.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨