Vicente del Bosque oo xaqiijiyay in warqad ku saabsan Diego Costa ay udireen Fifa
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Macalinka xulka Spain Vicente del Bosque ayaa si dhab ah u xaqiijiyey in ay doonayaan weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diego Costa, inuu ka mid noqdo wajiyada ka qeyb gali doona koobka aduunka ee 2014-ka.
Costa oo ka soo jeeda wadanka Brazil ayaa waxa uu xulkiisa u saftay labo kulan oo saaxiibtinimo oo kaliya qeybta dhalin yarada, isagoona wali u safan kulan heer caalami ah
Vicente del Bosque ayaa sheegay inay warqad u qoreen xiriirka kubada cagta ee Fifa, kaas oo ay kaga codsanayaan in Diego Costa uu ka mid noqdo xulka Spain.
“Wax xaqiiq ah ma haayo hada, kaliya waxaan idiin sheegi karaan in aan warqad u dirnay Fifa, oo aan kaga codsaneyno in Diego Costa lagu soo dari karo xulka Spain” ayuu saxaafada u sheegay macalin Vicente del Bosque.
24-jirkaan ka soo jeeda dalka Brazil ee Diego Costa ayaa bilawga horyaalka La Liga ee sanadkaan waxa uu dhaliyey illaa iyo sideed gool kooxdiisa Atletico, iyadoona laga yaabo in ciyaaryahanka loo ogolaado inuu ka mid noqdo xulka Spain, maadaama uusan wali xulkiisa Brazil uusan u ciyaarin kulan caalami ah
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by