2,129 views

Top 5: 5 xidig Ee u Sareeya Tartanka Abaal Marinta FIFA Ballon D’Or

Waxaa Qoray:

fifa-ballon-d-orIyadoo ay hada sadax bilood ka dhimantahay  ayaa waxaa sii kululaanaya tartanka Ballon D’Or 2013/14, waana mid tartamayaasheedu ay aad isugu dhawyihiin taariikhada.

Hadaba waxaan fiirineynaa ciyartoyda ugu cad cad sanadkan ee loo saadaalin karo in ay helayaan Abaal Marintan.

1. Frank Ribery

Bayern-Munich-v-Hoffenheim-Franck-Ribery-cele_2840558

Waa sanad ay indhuhu qabanayaan laacibka reer Faransa kaasi oo banadaa la dhaleeceyay maalmihiisii hore ee Bayern Munich.

Ribery ayaa ahaa mashinka kooxdii ku guuleysatay sadaxda koob, isagoo caawiye ka ahaa 23 gool halka uu lugtiisa ku dhaliyay 11 gool.

Garabkan ayaan waligiis halkaan oo kale ma soo gaarin Ballon D’Or.

2. Cristiano Ronaldo

Cristiano-Ronaldo-1867031

Bandhiga hagaasan iyo dhalinta goolal joogta ah ma ahne wax kale oo cusub CR7 ma hayo.

Ronadlo kuma guuleysan abaalmarin sidan u weyn tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2008.

Ancelloti ayaa taageeray goolal dhaliyahan in uu kooxd wali dhanka hore ka sii hogaamiyo, laakiin qof waliba waxa uu la tacajubsan yahay gool dhalinta Ronaldo sanadkan 2013 ee ah 55 gool iyo 55 kulan.

Ronaldo ayaa bandhiga iyo goolashiisa badan waxa ay siin nayaan fursad laakiin koob la’aanta ayaa dhigeysa meel uusan Abaalmarintan ka heli Karin.

3. Lionel Messi

article-2242647-0F79C42300000578-201_634x429

Waxa ay u tahay xilli ciyaareed kale oo la yaab leh xidiga caalamiga ah ee reer Argentine heerka kooxdiisa, Messi ayaa dhaliyay 19 kulan oo xiriir ah halka uu 46 gool ku dhaliyay 34 ciyaarood oo La Liga ah.

Mar shanaad kuma guuleysan karo Ballon D’Or, maxaayeelay Barcelona ayaa si naadir ah dhibaatooyin uga soo gaarayeen La Liga inkastoo si fool xun ay Munich uga ciribtirtan Sami Finalkii Champions League ay ku guuleysatay.

4. Philipp Lahm

philipp-lahm

Waa mid kamid ah dadka sida dhaw loogu saadaalinayo Abaalmarintan, Philipp Lahm ayaa raadinaya in uu noqdo daafacii ugu horeeyay ee ku guuleysta tan Fabio Cannavaro.

Hadii uu dheelayo booskiisa caadiga ah ee daafaca bidix ama qadka dhexe, kabadanka Bayern iyo Germany waxa uu u ahaa xilli ciyaaree kooxdiisa iyo dalkiisaba uusan hilmaami doonin, isagoo 100 kulan oo caalami ah u dheelay xulkiisa, halka uu Munich ku gacan siiyay ku guuleysiga sadax koob.

5. Zlatan Ibrahimovic

Ibrahimovic

Mid qarsoon ee ugu danbeeya waa Zlatan Ibrahimovic, kaasi oo sanadkan uu u ahaa mid uusan hilmaami Karin oo uu soo xasuusan doono.

Zlat ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee 30 ka dhaliya League 1 Fransa tan iyo Jean Pierre Papin, sidoo kale gool lawada xasuusan dooni ayuu ka dhaliyay xulka England.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

¨