HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


18,513 views

Taariikh nololleedka Ronaldo Luís Nazário de Lima QEYBTII LABAAD; DAAWO SAWIRADA

Waxaa Qoray:


QEYBTII 2-AAD DAAWO SAWIRADA:
 Waxaan halkaan kasii amba qaadaynaa taariikhda ciyaaryahan Ronaldo oo u dhashay dalka Brazil isla markaana ah ciyaaryahankii ugu horeeyey ee ugu fiican dhanka weerarka lambarka 9-aad.

Ronaldo waxa uu soo maray kooxo waaweyn waxaana aan maanta ka bilaabaynaa kooxda Inter iyo waayahiisa

1997–2002: Inter Milan

Ronaldo muddo sannad ah ayuu joogay Barcelona kamana uusan helin heshiis wanaagsan wuxuuna go’aansaday inuu ka dhaqaajiyo maadaama múshaar aad u wanaagsan ay usoo bandhigtay kooxda Inter lagana dhigay ninkii ugu mushaarka badnaa xiligaasi.

Kooxda Inter waxay kusoo qaadatay aduun gaaraya £19 million, iyadoo Barcelona ay ku qancin weyday inuu joogo wax ka badan sannad taasoo soo gaba gabaysay joogitaankiisa magaalada Barcelona.

1997-dii ayay ahayd markii uu markale dhigay iskoorka soo iibinta ciyaartooyda. Durbadiiba Inter wuxuu ka caawiyey inaay qaadaan koobka loo yaqaan UEFA Cup-ka isagoo u dhaliyey goolkii sedexaad ay ku xaqiiqsadeen inaay hantiyeen koobkaasi.

Ronaldo wuxuu la qabsaday qaab ciyaareedka dalka Talyaaniga sannadkii ugu horeeyey uu soo caga dhigtay, waxaana kooxdiisa ay ka gashay kaalinta 2 – aad, markaasoo kulankii ugu danbeeyey ay Juve la ciyaareen laga diiday rigoore isaga lagu galay laakin taasi garsoorihii dhex dhexaadinayay ayaanan u ogolaan halka kooxda Juventus la siyey rigoore aan u qalmin sida lagu qoray wargeysyada.

Kaalinta 2 –aad ayay ku dhamaystay kooxda Inter horyaalkaasi, Ronaldo intuu uu joogay Inter wuxuu kasbaday inuu la wareego inuu tuuro rigoorooyinka, laadka xorta ah iyo waliba isagoo hogaamiye loogu doortay kooxda Inter kabtanimo, waxyaabaha lagu soo xusuusto ayaa ahayd inuu kooxda Inter kaga farxiyey inuu goolal kala duwan uu ka dhaliyey kooxda ay isku magaalada yihiin ee Milan taasoo farxad iyo reyn reyn galisay taageerayaasha Inter.

Markii labaad ayuu ku guuleystay ciyaaryahanka ugu fiican aduunka 1997-dii wuxuuna la hadaafay FIFA World Player of the year markiisii labaad isagoo qaatay kubbadii dahabiga ahayd. Waxaana xigay inuu ka qeyb galay koobkii aduunka ee 1998-dii inkastoo kaalinta 2-aad uu galay laacibnimada aduunka markii uu Zidane oo ku guuleystay koobka aduunka uu kaga hormaray.

Intii uu ku jiray xiliyadaasi waxaa loo aqoonsanaa inuu yahay ninka aduunka ugu fiican, laakin nasiib daradii ugu weyneyd waxay ku dhacday 21 November 1999-kii xilli lagu guda jiray horyaalka Serie A-da kulan ay kooxdiisa la yeelanaysay kooxda Lecce, ayuu si xun ugu dhaawacmay jilibka taasoo gaarsiisay in qaliin lagu sameeyo oo waliba soo noq noqday ilaa uu gaaray inuu garoomada ka maqnaado sannad iyo shan bilood isagoo dib garoomada ugu soo laabtay 12 April 2000.

Soo laabashadiisa kooxda ee Ronaldo waxaa aad markale ugu qaracmay taageerayaasha iyo madaxda kooxda Inter ka dib markii uu ciyaaray kulan final ahayd oo uu ka ciyaaray oo kaliya 7 – daqiiqo kulankaasi oo kooxdiisa ay la ciyaaraysay kooxda Lazio, hase yeeshee muusan calafsan oo markale ayaa jilibka uu ka dhaawacmay isagoo aan qofna taaban.

2000 ilaa iyo 2001-dii Ronaldo wuxuu la il darnaa xanuun ka hayay jilibka wuxuuna ku seegay inuusan soo xaadirin horyaalkaasi oo dhan iyo kii ka horeeyeyba, laba qaliin oo adag uu maray ayaa markale wuxuu kusoo muuqday ciyaarihii aduunka 2002-dii taasoo uu Ronaldo kaga caawiyey xulkiisa inaay qaadaan koobka Aduunka waqtigaasi.

Markale ayuu Ronaldo hantiyey laacibka aduunka ugu wanaagsan sannadu waxay ahayd markii ay Brazil qaaday koobka aduunka 2002-dii markiisii sedexaad. Waxaana taasi ka faa’ideeystay kooxda Real Madrid oo si lama filaan ah Inter ugu dirtay dalab ah inaay kala soo wareegaan kooxdaasi uu nasiib darada kala kulmay.
Kooxda Inter wuxuu u calfaday inuu ka ciyaaro 99 kulan wuxuuna u dhaliyey 59 – gool, waxaana uu kasbaday in loo bixiyo naaneysta (il fenomeno), taasoo ay ula jeedeen ninkii mucjisada ahaa, waayahiisa Nerazzurri ayaa sidaasi kusoo afjarmay.

Waayahii kooxda Real Madrid: 2002–2006: Real Madrid

Ronaldo wuxuu markii sedexaad jabiyey rikoorka soo iibsashada ciyaartooyda waxaana Inter lagu samir siiyey lacagtii ay kasoo bixisay laba jibaarkeeda waxaana farta laga saaray €46 million oo Euro, laakin Real Madrid lacagtaasi ay bixisay kuma aysan qasaarin oo waxay maalintii ay Ronaldo keentay ka macaashtay funaanadii uu Ronaldo soo gashtay ee Real Madrid taasoo soo celisay €46 million ee laga bixiyey Ronaldo.

Lacagtaasi intaasi la eg waxay Madrid ku faa’iiday hal maalin oo qura. Ronaldo horey kama uusan ciyaarin ilaa iyo October 2002-dii waxaana wali sidii u xanuunayey jilibkii uu ka dhaawacmay laba sanno ka hor. Laakin taageerayaasha jibeysan ee Real waxay maalin waliba ku riyoon jireen in maalintaasi la soo safi doono ilaa laga gaaray maalintii uu garoonka soo galay kuna daah furay laba gool oo is xigay.

Horyaalka ugu horeeyey ee La Liga ee Real uu usaftay wuxuu u dhaliyey 23 – gool, waxayna qaadeen La Liga Championship 2003-dii, sidoo kale waxay ku guuleysteen koobka kooxaha qaaradaha Intercontinental Cup sannadkii 2002-dii iyo Spanis Cup 2003-dii.

Ronaldo wuxuu Real Madrid la qaaday Champion League sannadkii 2005-tii, kolkaasoo uu ku lug lahaa sedex gool oo hartrik loo yaqaan uu ka dhaliyey sided ciyaarkii ay la yeesheen kooxda Manchester United garoonkeeda Old Trafford.

Ronaldo markale ayaa waxaa lasoo darsay dhaawacyo ka bixi wayay wuxuuna sidaasi ku seegay dhamaadkii xili ciyaareedkii 2003-2004-tii sidoo kale wuxuu seegay finalkii Copa del Rey ikastoo uu dhaliyey 24 – gool, xili iciyaareedkaasi, waxaana ay kooxdiisa lumisay hanashada horyaalka taasoo ay Valecncia CF la caraawday, waxyaabaha loo aanayn karay in xitaa gool dhalinta uu ka qaaday Ruud van Nistelrooy 2006-dii ayaa ahayd iyadoo dhaawacyo kusoo noq noqonayey isla markaana aanan ciyaari karin kulan waliba.

Waayihii halka sanno iyo kooxda AC Milano: 2007 – 2008dii Milan

Real Madrid waxa ay ka quusatay dhaawacyada Ronaldo oo ay Inter isaga soo iibisay inkastoo aysan ku qasaarin hadana waxay qoorta ugalisay kooxda Milan oo ay ka macaashtay €8.05 million oo Euro, taariikhdu waxay ku beegneyd 18 January 2007, taasoo Milan ay dalab usoo bandhigtay isla markaana ugu wareegay.

25 Janaayo 2007-dii ayuu Ronaldo usoo duulay Madrid ilaa Milan wuxuuna habeenkasi ka qeyb qaatay kulan ay kooxda Milan la ciyaarytay kooxda Roma waxaana subaxnimadii uu maray tijaabo caafimaad, waxaana website-ka Milan lagu soo bandhigay inuu ku guuleysatay 26 –Janaayo tijaabadii caafimaad. 30 Janaayo oo xirmayay suuqa kala iibsiga ayuu si rasmi ah ugu soo biiray kooxda Milan.

Milan ayaa lambarka 99 –aad ku marti qaaday maadaama lambarka 9-aad uu sitay Pippo Inzaghi, 11 Febraayo ayuu badal kusoo galay iyagoo kaga badiyey kooxda Liverno 2 – 1. Waayahiisa kooxda Milan wuxuu kulankii xigay 2 – gool ku durduriyey kooxda Siena. Guud ahaan xili ciyaareedkasi oo nus uu ka ciyaaray ayuu saftay 14 kulan wuxuuna dhaliyey todoba gool.

Ka dib kusoo biiridii Ronaldo uu yimi Milan ayaa wuxuu noqday tiro ciyaartooy aad u yar oo ciyaartay kulanka loo yaqaan Derby della Madonnina maadaama uu usoo kala ciyaaray labada naadi ee Milan iyo Inter. Wuxuuna ka mid noqday laba ciyaaryahan oo isaga mid ah oo goolal kakala dhaliyey labada naadi, sannadkii 1989-99kii iyo 2006-07 ayu nasiib u yeeshay inuu goolashaa dhaliyo. Sidoo kale Zlatan Ibrahimovic ayaa sidaan oo kale labada naadi ukala dhaliyey.

Sidoo kale Ronaldo wuxuu usoo kala ciyaaray Real Madrid iyo FC Barcelona sidaasi oo kale ayuu hore ugu soo sameeyey Spain. Aanu usoo laabano kooxda Milane wuxuu Ronaldo markale dhex dabaashay dhaawacyo kala duwan wuxuu milan u ciyaaray 300 oo daqiiqo xilli ciyaareedkii ugu horeeyey. Ronaldo waxay garoon hal mar isla soo galeen Kaka iyo Pato taasoo loogu magac darfay Ka-Pa-Ro, waa magacyadooda oo lasoo gaabiyey..

Milan wuxuu usaftay 20 kulan oo kaliya 7 – gool ayuuna u dhaliyey , sidoo kale Ronaldo marnaba kuma uusan guuleysan koobka Championka intuu u ciyaarayey naadiyada waaweyn ee Yurub. Laakin 2006-07 ayuu la qeybsaday Milan Championka laakin taasi waxay ka dhignayd inuusan isaga waxba ka quseyn maadaama uu Real Madrid usaftay oo goor danbe oo Janaayo ah uu kusoo biiray naadiga AC – Milan, taasi waxay ka dhigan tahay inuusan wax kulan ah safan karin.

Balse wuxuu Real Madrid ka caawiyey inuu gaarsiiyey 2003-dii semi finalka taasoo Juventus ay ka reebtay Championka.

13 Febraayo 2008-dii ayuu markale Ronaldo jilibka ka dhaawacmay kulan ay kooxda Milan 1 – 1 kula gashay kooxda Livorno, taasoo keentay in dhaqtarka loola cararo, waxaana ay dhaqaatiirka Milan cadeeyeen in Ronaldo uu qalilin ugu baahan yahay jilibka bidix halka markii hore laba jeer qaliin looga sameeyey jilibka midig sannadihii 1998-dii iyo 2000.

Taariikhda Ronaldo iyo xulkiisa Brazil iyo inta jeer uu ku guuleystay kubbada Dahabka Ballon d’Ora, sidoo kale kooxdii ugu danbeysay uu safto isla markaana uu ka fariistay ciyaaraha oo dhan: la soco Jimcaha Soo socda:

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

¨