Siwirro: Ozil, Bale, Oscar, Muller & Messi oo ku dheeli doona Kobo Cusub
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Intabadan ciyaartoy waa weyn ee Yurub ayaa xiran doona kulamada caawa iyo kuwa habeen danbe kobo cusb oo ay soo saartay shirkada Agabka Sportiga ee Adidas.
Xidiga lacagta badan ugu fadhiya ee kooxda Gunners Mesut Ozil ayaa caawa xiran doona “Kabo Cusub” marka uu wajaho kooxda dalkiisa ka dhisan ee Borussia Dortmund.
Kabahan cusub ayaa waxa soo saartay shirkada Agabka Sportiga ee Adidas, waana nuucii ugu horeeyay taariikhda, waxaana ay leeyihiin Kalar Madow oo kali ah ilaa iyo haatan inta la soo bandhigay.
Kobahan ayaa farsamo ahaan aad u sareeyay waxana ee leeyihiin difaac fiican oo ciyaartoyga ka ilaalinaya dhibaatada uga imaan karta midka ka soo horjeeda.
Sidoo kale xidiga ugu qaalisan ee kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa isna xiran doona kulan Juventus iyo Real Madrid tartanka Champions League Arbacada.
Ciyaartoyda Chelsea Oscar, Gary Cahill iyo Andre Schurrle ayaa iyaguna lagu wadaa in ay xirtaan kobahan kulanka Schalke
Xidiga Barcelon ee Xavi ayaa isna xiran doona kulanka Milan, halka xidigaha Bayern Thomas Muller iyo Phillip Lahm ay iyaguna sidoo kale xiran doonaan kobana cusub.
Lionel Messi ayaa xiran doona kobahan cusub ee Adidas kulanka El Clasico ee Sabtida ay la adheeli doonaan kooxda Real Madrid.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by