417 views

Silvestre : Rooney xidigo ka fiican ayaa ka tagay Manchester United mana dareemin

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Daafaci hore ee kooxda Man United Mikael Silvestre ayaa sheegay in Man United ay ka maarmi karto Wayne Roonry hadii uu kooxda ka tago.

Mikael Silvestre ayaa usheegay France Football in Rooney uusan noqon doonin laacibkii uggu fiicnaa ee ka tagay United .

Waxaa uu sheegay in Red Devills xidigo ka muhiimsan Rooney ay ka tageen aysana dareemin .

“United waxba uma dhimi doonto hadii uu ka tago Rooney waxaana hortiisa kooxda ka tagay David Beckham, Ruud van Nistelrooy, Cristiano Ronaldo, Eric Cantona iyo qaar kale mana aaney dareemin.

“Kooxda waxaa jooga Shinji Kagawa oo ku wanaagsan booska Rooney mana daremi doonto United , Rooney ma noqon doono qofkii ugu wanaagsanaa ee ka taga United ayuu yiri Silvestre.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨