361 views

Ronaldo oo lagu oriyay xili uu ku sugnaa xarunta xulka Portugal

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Taageerayasha xulka Portugal ayaa ku oriyay laacibka Real Madrid Cristiano Ronaldo oo ku sugnaa xarunta tababarka ee xulka Portugal ,xili Portugal ay habeen dambe la ciyaari doonto Ecuador kulan saaxibtinimo.

Taageerayaal ka tirsan xulka Portugal ayaa ku oriyay laacibka Real Madrid ,waxaana ey ku yiraahdeen “Messi ,Messi,Mess” taas oo ah erey uusan jecleyn Ronaldo.

Ronaldo oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta tababarka ayaa wax laga weydiiyay arintaan waxaana uu ku jawabay.

“Hal arin ayaa dhihi doonaa,waa xaalad ka jirta dunidoo oo dhan ,waa in aan isku diyaariyaa sidii aan wax ugu qaban lahaa xulkeyga”

“Marabo in aan qiimo uyeelo hadalada nuucaas ah ayuu hadalkiisa ku daray Ronaldo.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨