Qeybtii ugu danbeysay ee taariikhda Zinadine Zidane
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Intiinii lasocotay taariikh nololleedka ciyaaryahanka reer Faransa asalkiisana kasoo jeedo dalka Algeeriya Zinadine Zidane ayaanu kusoo qaadanaynaa qeybtii ugu danbeysay ee taariikhda xidigan.
Xulka Qaranka Faransiiska
Markii lagu xumeeyey inuu ka mid noqdo xidigaha wadankiisa hooyo ayuu go’aansaday in xulka Faransiiska isaga biiro taariikhdu markay ahayd 17 Agoosto 1994-tii markaasoo ciyaar saaxiibtnimo ay Faransiiska la ciyaarayeen xulka Czech Republic taasoo kudhamaatay 2 -2, waxaana uu dhaliyey labadii gool ay barbaraha kula gashay xulka Czech iyadoo waliba loga hor maray labada gool.
Zidane ayaa fursad weyn helay markii xidiga reer Manchester United Eric Cantona laga ganaaxay ciyaaraha sannadkii 1995-tii, xiligaasoo si rasmi ah uu booskiisa u xirtay. 1996-dii ayay Faransiiska ku hareen semi finalka koobka Euro 96-kii markaasoo rigooreyaal ay ku reebtay xulka Czech Republic markii 90-kii daqiqo iyo 30-ki dheeriga ee lagu daray ay ku dhamatay 0 – 0.
1998-dii ayay xulkiisa Faransiiska u qaaday koobka FIFA World Cup-ka, isagoo dhaliyey labadii gool ee finalka ay ka dhaliyeen Brazil, taasoo taariikhda u gashay dalkaasi Faransiiska, laakin waxaa murug u ahayd markii sedexdii kulan ee guruubka ay dhamaan soo wada badiyeen halka ciyaartii labaad oo ay la ciyaarayeen Saudi Arabia uu laad la dhacay Fuad Anwar oo reer Sacuudi ah markaasoo kaarka gaduudan loo taagay.
Wuxuuna noqday ciyaaryahanka kaliya ee reer Faransa oo 1998-dii la siiyey kaarka casaanka ah. Kulankii xigay ee 16-ka ayuu ka maqnaaday xulkiisa Faransa kolkaasoo ay la ciyaareen xulka Paraguay ay ku daareen 1 – 0, laakin Zidane wuxuu kuso laabtay kulankii xigay ee 8-da oo ay 4 -3 rigooreyaal ku mareen xulka Talyaaniga, markii ay isku mari waayeen 0 -0.
Semi Finalkii isla sannadkaasi ciyaaraha aduunka ayay 2 – 1 ku garaaceen xulka Croatia, sidaasi ayay Finalka ku tiigsadeen oo uu ku kasbaday magac weyn markii laba gool oo is xigay uu madaxa ku dhaliyey markii ay usoo carooseen Emmanuel Petit iyo Youri Djorkaeff, Brazil-na ku quusiyey 1998-dii kulankii finalka ciyaaraha Aduunka, inkastoo qeybtii danbe uu Petit dhaliyey goolkii sedexaad sidaasina ay ugu adkaadeen 3 – 0.
Sannadkaasi ayuu noqday geesiga reer Faransa waxaana loo magacaabay inuu isaga ahaa furihii ka danbeeyey inaay hantiyaan koobka Aduunka markii ugu horeysay.
Zidane dadaalkiisa ma uusan is dhigan ee wuxuu xulkiisa gaarsiiyey laba sanno ka dib inaay ku guuleystaan koobka qaarada Yurub Euro 2000-kii oo ah koobka labaad ee ugu xamaasada badan marka laga hadlayo Xulalka Qaaradaha Aduunka. Wuxuuna xulkiisa gaarsiiyey magac hor leh markii ay isku darsadeen koobka aduunka iyo kan Qaarada yurub tan iyo markii ay Germany 1974-tii ay qaadan, Zidane ayaa xiligaasi ku qatimay 2 – gool oo laad xor ah uu ka kala dhaliyey xulalka Spain iyo goolka dahabiga uu gurigooda ugu diray xulka Portugal semi finalkii Euro-ga. Waxaana isla xiligaasi loo magacaabay xidigii tartankaasi Euro 2000-kii.
Laakin nasiib daro ayuu kala kulmay sannadkii 2002-dii markii ay ka qeyb galeen ciyaaraha Aduunka, Zidane wuu dhaawacnee labadii kulan ee hore ee xulkiisa ay gool la’aan garoonka ka baxeen isagoo dhaawac qaba ayaa kulankii sedexaad garoonka lasoo galiyey, waxaana ka harsanaa hal kulan oo qura oo hadii ay badiyaan ay kusoo bixi lahaayeen, laakin xigaa gool qura ma aysan dhalin intii ay ku jireen guruubka sidaasi ayayna isaga hareen koobkii Aduunka ee 2002-dii waana markii ugu xumeyd uu Zidane halkaasi ku haraan.
Ciyaarihii Euro 2004-kii markii lagaaray ayay guruubka isku haleelleen xulalka England iyo Switzerland ka hor intii ay sideed ciyaarka garaacin Greece oo si la yaab leh ay 1 – 0 looga badiyey xulka Faransiiska, laakin furitaankii ciyaaraha ayuu England kaga naxsaday laad xor iyo rigoore uu ka dhaliyey waqtigii dheeriga intii lagu jiray waxayna ku garaaceen 2- 1. Laakin Zidane wuxuu iclaamiyey inuu ciyaaraha Caalamka ka fariistay.
Waxaa kudaba daysaday ciyaaryahanada Bixente Lizarazu, Marcel Desailly, Claude Makélélé iyo Lilian Thuram, oo dhamaantood ku dhawaaqay inaay isaga fariisteen ciyaaraha caalamka waxayna ahaayeen ragii u qaaday koobka Aduunka1998-dii iyo kii 2000 Euro. Laakin Xulka Faransiiska waxay galeen xaalad adag waxaana la waayey badalka ciyaartooyda u ku jiray Zidane wixii badali lahaa, waxaana biloowday walaac iyo walbahaar taasoo geyeysiisay inaay qeyliyaan shacabka reer Faransa kuna dhawaaqaan hala soo celiyo xidigii reer Faransa.
Qeylo dhaan iyo dood badan ka dib waxaa arrinka soo galay madaxweynihii xiligigaasi ee dalka Faransiiska wuxuuna kulan gaar ah la qaatay ciyaartooydii uu hor kacayey Zidane wuxuuna ka dhaadhiciyey inaay dib ugu soo noqdaan oo ay badbaadiyaan xulka Faransiiska oo is reeb reebkii ciyaaraha Aduunka 2006 -dii ay ka bixiyaan.
Tababarahii xiligaasi Raymond Domenech ayaa ku guuleystay inuu dib u helo Zidane, Thuram iyo Makélélé halka kuwii kale ay ku adkeeysteen inaay ka fariisteen, waxaana kabtanimada gacanta loogu xiray oo hogaaminayey Zidane. 3 September 2005-tii ayay dib ula midoobeen xulkooda waxayna isla maalintaasi 3 – 0 ku quusiyeen xulka Faroe Islands, waxay ka hor ku jireen garuubka kaalinta afraad iyagoo soo gaarsiiyey inaay kaalinta koowaad keenaan.
Zidane ayaa ka mid noqday ciyaartooydii iskoorka safashada u dhigtay sida Desailly, Thuram iyo Didier Dechamps. iyagoo gaaray 100 kulan.
Faransiiska waxay ku bilaabatay ciyaar aad u qaboow sannadkii 2006-dii kulamadii koobka Aduunka, inkastoo Zidane uu ganaaxnaa hadana wuxu garoomada ka soo muuqday kulan uu gool dhaliyey Patrick Vieira iyo isaga laf ahaantiisa Zidane markii ay Spain ku reebeen is reeb reebkii labaad, halka sideed ciyaareedka ay fooda is dareen xulka Brazil oo ay markale 1 – 0 ku garaaceen taasoo Zidane uu ka caawiyey in Henry uu goolka sagootinta Brazil ay ku reebeen qeybta 8-da. Waxaana markaasi loo magacaabay ninkii ugu fiicnaa kulankaasi.
Zidane wuxuu markale dhaliyey oo ka mid noqday xidigaha gool dhaliya ciyaar final ah markii labaad iyadoo 7 -d aqiiqo uun socota ciyaar finalka koobka Aduunka ah wuxuuna la mid noqday Pele, Paul Breitner iyo Vavá. Sidoo kale Zidane markale ayuu Buffon ka badbaadiyey gool madaxa uu ku tuuray taasoo Buffon uu si wanaagsan dibbada ugu saaray kulankii Finalka ee 2006-kii.
Laakin intii aan Finalka 2006-dii la ciyaarin ayaa Zidane lagu siiyey magaalada Berlin banooniga dahabka ciyaaryahanka ugu fiicnaa kulamada tartanka koobka Aduunka intii ka qeyb galaysay, waana abaal marintii ugu danbeysay uu qaato markaasoo ay ka dhacaysay heshiiskii uu kula joogay Real Madrid, wuxuuna Zidane markaasi ku dhawaaqay inuu ka fariisan doono dhamaan ciyaaraha hadii uu qaado iyo hadii laga qaado koobka aduunka 2006-dii.
Kulankii ugu danbeeyey ee waayihiisa kubbada cagta Zidane Zidane ayey kusoo afjarantay ciil iyo calool xumo ka dib markii wiilasha reer Talyaani oo loogu bartay inaay ka caraysiiyeen xidigaha kasoo horjeeda ayay ku qasbeen in Zidane dhowr jeer dhulka la dhigo si xun loo garaaco isagoo waliba garabka jug weyn kasoo gaartay, isagoo xitaa codsaday in la badalo taasina uu ka diiday tababarihiisa kuna qasbay inuu kusii dhex jiro garoonka.
Zidane ayaa laga saaray garoonka iyadoo dhowr daqiiqo uun ay ka harsan tahay 30 – daqiiqo ee dheeriga ee lagu daray waliba qeybtii danbe oo socotay 11 – minute ka dib markii uu madaxa ku herdiyey Marco Materazzi, shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay Zidane in si xun af Talyaani loogu caayay taasina uu aad ugu carooday, waxaana ay markaasi ka dhignayd in uusan tuurin rigooreyaashii xulka Faransiiska ay tuurayeen iyadoo koobka looga qaaday rigooreyaal 5 – 3.
Zidane mar uu shir jaraa’di qabtay 2010-kii ayaa wuxuu ku sheegay inuu dhimasho ka xigo intuu raali galin lahaa Materazzi madaxeeyntii uu xabadka ugu dhuftay, laakin wuxuu qiray inuu ka shalaayey dhibkaasi uu sameeyey uuna ka caawin karay inaay Faransiiska koobkaan qaadaan.
Zidane ayaa garoonka ugu baxay si aan wanaagsanayn waxaana uu kaga fariistay kaarka cas oo loo taagay, wuxuuna go’aansaday inuusan ka noqonayn inuu garoomada ka fariistay ayna tahay go’aankiisa kama dambaysta ah inuu garoomada isaga baxay. Si kastoo ay ahaataba FIFA ayaa ku ganaaxday in sedex kulan uusan ciyaari karin laakin Zidane taasi wuu qaatay inkastoo uusan garoomada soo galin ka dib roosahiisa la siiyey ama kaarkii casaa.
Markuu ka fariistay ciyaaraha Zidane wuxuu sii watay inu ciyaaro kubbada cagta laakin ma aysan ahayn mid uu garoomada kusoo laabanayey wuxuu tababarka la qaadan jiray ciyaartooyda cuslaatay ee Real Madrid, sidoo kale wuxuu ciyaaray kulamada salaxa lagu ciyaaro ee loo yaqaan Futsal-ka. 2008-dii ayuu shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu kubbada cagta kusoo laabtay.
Laakin soo laabashadiisa ma ahayn mid uu garoomada soo galayo wuxuu noqday oo loo magacaabay inuu lataliyo u noqdo 0 Jun 2009-kii madaxweynaha xiligaan ee Real Madrid Florentino Perez, Jorge Valdano oo agaasimaha ah, Miguel Pardeza oo agaasimaha soo iibinta ahaa, wuxuuna ahaa dadka sida weyn loogu qadariyo marka go’aan ay gaarayaan madaxda Real.
November 2010-kii ayaa hoos loo dhaadhiciyey oo lasoo galiyey garoonka si uu caawiyo oo uu ula taliyo Jose Mourinho oo ah tababaraha xiligaan ee Real Madrid. Sidaasina waxaa codsday tababare Mourinho oo sheegay inaan laga maarmin talada iyo waanada Zidane, taasina waxay keentay inuu Zidane fariisto kuraasta keydka.
Zidane waxaa uu July 2011-kii a si buuxda uu ula wareegay inuu noqdo agaasimaha kooxda Real Madrid oo ilaa iyo hada uu yahay.
Waxaan halkaan kusoo koobaynaa taariikhda ciyaaryahanka reer Faransa Zinadine Zidane, waxaana ka cudur daaranaynaa inaay halkaan kusoo koobi karin, waxaana ka tagnay wax badan oo uu mudnaa in lasoo qoro laakin waxaan ugaranayn intii ugu muhiimsanayd inaan soo qaadanay.
Waxaan idiinka raali galinaynaa hadii aan ka tagnay wax aad idinku og tihiin inaad noo samirtaan dadaalkeena ayaa intaasi na gaarsiisay.
HADII AY JIRAAN CIYAARYAHANO MUHIIM AH OO MAGAC KU LEH CAALAMKA OO AAD XIISEYNAYSO WAAD NASOO GAARSIIN KARTAAN ADIGOO NOOGU SOO HAGAAJIN KARA EMAILADA KALA AH:
RIIX HALKAAN SI AAD U ARAGTO MEESHA AAD LAGALA SOO XIRIIRI KARTO
Waxaan ka cudur daaranaynaa hadii ay jiraan meelo badan oo aan ka tagnay ugama tagin si ula kac ah waxaanu door bidnay inaan soo koobno taariikhda ciyaaryahanka waxaana idiinka raali galinaynaa inaad noo samirtaan
WAXAA QORAY OO ISKU SOO DUBA RIDAY:
MOHAMED ABDULLE XASAN “SIIDI”
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by