122 views

PSG oo udhow in ay €63m ku soo xirto saxiixa Cavani

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG Leonardo ayaa gaaray magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga si uu usoo xiro saxiixa Edinson Cavani,

Jariirada La Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in weeraryahanka wadanka Uruguay iyo kooxda Napoli uu ku sii jeedo magaalada Paris.

Waxaa la fahamsan yahay in kooxda PSG ay diyaar la tahay in ay bixiso qiimaha ay Napoli ku qiimeyso wiilkeeda oo dhan €63milion oo euro.

Labada koox ee Chelsea iyo Man City ayaa si weyn uxiiseynayay xidigaan laakiin labada kooxba waxaa ay ka carareen qiimaha xidigaan.

Agaasimaha PSG ,Leonardo ayaa waji ka waji ula hadli doonta milkiilaha kooxda Napoli, Aurelio De Laurentiis waxaana ugu dambeyn ay dhameyn doonaan xaalada laacibkaan.

Joog dheeraha Uruguay ayaa wali ku sugan ciidiisa isagoo la damashadaya qoyskiisa mana la filaayo in uu dib ugu soo laabto tababarka kooxda ilaa horaanta asbuuca soo socda.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨