Pique: Aad Baan Ugu Faraxsanahay Guul daradii Gaartay Jose Mourinho
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Daafaca kooxda Barcelona Grarad Pique ayaa soo dhaweeyey guushii uu macalinkiisii hore uu habeenkii jimcada ka gaaray macalinka kooxda Chelsea, Jose Mourinho.
Labada macalin ee Jose Mou iyo Josep Guardiola ayaa habeenkii Jimacadii kooxahooda waxay wada ciyaareen finalka super Cup-ka markaas oo ay kooxda Bayern Munich hanatay.
Pique ayaa u hambalyeeyey macalin Pep, waxa uuna sheegay in uu guushaas uu si aad ah ugu farxay
“Hambalyo macalin Pep Guardiola iyo kooxda Bayern, waxaan si aad ah ugu faraxsanahay guusha uu gaaray Pep, waana soo dhaweynayaa” ayuu yiri ciyaaryahan Pique.
Pique ayaa intaas ku daray in macalinka kooxda Chelsea uu yahay macalin isla weyn, sidoo kale waxa uu sheegay ciyaaryahan Pique in macalin Jose uu yahay macalin isla weyn oo aan qadarin ciyaartoyda kooxdiisa.
Waxaa Qoray : Sakariye Capital
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by