415 views

Ozil oo isku diyarinaya kulanka Arsenal iyo Sunderland + DAAWO SAWIRADA

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Mesut Ozil ayaa ku sii dhowaanaya in uu kulankiisii koowaad uciyaaro kooxda Arsenal ,xili kooxda Wenger ay shalay soo gaareen fariimo badan oo dhawacyo ah .

Ninka ugu qaalisan Arsenal ayaa shalay markii ugu horeysay soo gaaray xarunta tababarka ee kooxda Arsenal ee Colney la yiraahdo.

Tababare Arsene Wenger ayaa lagu wadaa in uu kulankii koowaad soo dooqdo Ozil, sabtida soo aadan kulanka ay kaga hor jeedaan kooxda Sunderland kadib markii la sheegay in uu dhaawac soo gaaray Tomas Rosicky.

Xidiga caalamiga ah ee Czech Republic ayaa ku dhawacmay kulankii uu xulkiisu qasarada kala kulmay Italy, waxaana shaki laga galinaya kulanka ay The Gunnerrs usafri doonto Stadium of Light.

Ozil ayaa sameyn doona kulankiisii koowaad inkastoo uu heysto labo maalmood oo kaliya oo uu tababar la qaadanayo kooxdiisa cusub .

Kooxda tababare Wenger ayaa laga yaaba in ay sabtida weyso xidigaha Rosicky,Thomas Vermaelen, Mikel Arteta, Alex Oxlade-Chamberlain, Lukas Podolski, Abou Diaby iyo Yaya Sanogo.

Friends already? Alex Oxlade-Chamberlain is among the first Arsenal players to meet Mesut OzilNew surroundings: Ozil has been pictured at Arsenal's London Colney training ground for the first time

Club and country: Lukas Podolski and Ozil have already combined for the Germany national team

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨