326 views

Neymar : Saxaafada ayaa ka shaqeyneysa isku dhaca aniga iyo Messi

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Xidig yaraha kooxda Barcelona Neymar Da Silva ayaa sheegay in saxaafadu ay xooga saareyso dhaq dhaqaaqa isaga iyo Messi .

Isagoo wareysi siinayay barnaamujka Barca Hat-rick waxaa uu sheegay in Messi uu yahay ciyaariyahan uusan kula jirin xafiitan uuna ku ixtiraamo in uu yahay xidiga ugu wanaagsan aduunka .

Waxaa uu sheegay in saxaafadu ay cadaawad dhex dhigeyso labadooda ayna tahay dhacdo aan lagu guuleysan doonion .

“Mar walba waxaa ay ka hadlaan labadeena ,qaabka aan uwada ciyaarno xitaa waxa ay fiiriyaan in aan kubbada isku baasno ,taas waa dhacdo laga bad badiyay .

“Ma jiro xafiltan aan kula jiro Leo ,waxaan uxushmeeyaa in uu yahay xidiga ugu fiican aduunka ,waxaan uwada ciyaarnaa hal koox waana ku faraxsanahay midaas .

“Saxaafadu waxey raadinayaan isku dhaceen ,laakiin waa mid aysan gaari doonin ,sharaf ayey tahay in aan ka garab ciyaaro Messi.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨