443 views

Maxaad ka taqaanaa Taariikhda macalinka cusub ee Manchester United ,David Moyes ?

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Manchester United ayaa ku dhawaaqday in tababaraha kooxda Everton David Moyes uu noqon doono macalinkeeda cusub ee lixda sano ee soo socota.

Hadaba waa Kuma David Moyes? 

Imaatinkiisii Aduunka

Magaciisa oo buuxa waa David William Moyes.

Waxaa uu dhashay 25 –kii April 1963 –dii waana 50 jir.

Waxaa uu ku dhashay xaafada Bearsden, magaalada Glasgow, ee wadanka Scotland

Dhirirkiisu waa 1.85 mitiri .

Xirfadiisa kubbada cagta

David Moyes waxaa uu ahaa ciyaariyahan ka ciyaara daafaca dhexe .

Waxaa uu kubbada cagta inuu ciyaaro ka soo biaabay kooxda Cetic ,ee wadanka Scotland.

Waxaa uu sidoo kale usoo ciyaaray kooxaha Cambridge United ,Bristol City ,Shrewsbury Town ,Dunfermline Athletic , Hamilton Academical, iyo Preston North End.

Intii ku jiray kubbada cagta waxaa uu saftay 550 kulan isagoo dhaliyay 46 gool.

Waxaa uu ku guuleystay koobabkan

Scottish League Premier Division (1): 1981–82

English Associate Members’ Cup (1): 1986

Football League Third Division (1): 1995–96

Xirfadiisii tababarnimada

David Moyes xirfada tababaranimada waxaa uu bilaabay 1998-dii

Waxaa uu ka bilaabay kooxdii uu uciyaari jiray ee Preston North End ,waxaana uu maamulayay mudo afar sano ah.

Kadib waxaa uu ku biiray kooxda Everton 2002-dii.

Kooxda Everton waxaa uu hogaamiyay 516 kulan waxaana ugu adkaaday 217 kulan ,waxaana laga adkaaday 160 kulan isagoo bar bar dhac la kumay 139 kulan , taas oo ka dhigan in uu badiyay 42.05% kulamadi uu kooxda Hogaamiyay .

Intii uu tababaraha ahaa hal koob ayuu ku guuleystay waxaana uu uqaaday kooxda Preston North End .

Maanta iyo Manchester United

David Moyes ayaa galabta loo magacabay macalinka kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester United ,waxaana uu qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah .

Waxaa uu soo af jaray 11 sano oo uu macalin u ahgaa kooxda Toffes lagu naaneyso ee Everton.

Lama oga waxa uu ku soo kordhin doono kooxda Man United .

Nolashiisa gaaska ah

Moyes waxaa uu dhalay hal gabar iyo hal wiil .

Gabadhiisa waxaa ay wax ka barataa Archbishop Temple School oo ku yaala magaalada Preston ,halkaas oo ah meeshii uu aabaheed macalinka ka ahaa.

Wiilkiisa oo isna la yiraahdo David waxaa uu wax ka bartaa college ku yaala Preston.

Aabihiis waxaa uu tababare u ahaan jiray kooxda Drumchapel Amateurs ,halkaas oo Moyes uu ka soo ciyaaray .

David Moyes ayaa waxbarashadiisa ku qaatay Anniesland College oo ku yaala waqooyiga magaalada Glasgow.

Hooyadiis Joan waxaa ay ka soo jeeda Northern Ireland ,waa haweeney ganacsato ah waxana ay leedahay bakhaar dharka lagu iibiyo oo ku yaala magaalada Glasgow.

Ninka ay ilmo adeerka yihiin ee Dessie Brown waxaa xogyaha guud ee kooxda Coleraine Football Club.

DHAMAAD

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨