453 views

Maxaa isku dhibee Jose Mourinho koleyba Chelsea waa ku ceyrin sidaa waxaa yiri Carlo Ancelotti

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Macalinka kooxda PSG Carlo Ancelotti ayaa uga digay tababare Jose Mourinho in uu ku laabto kooxda Chelsea .

Mourinho ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto The Blues,laakiin Carlo Ancelotti ayaa usheegay Jose Mourinho in mar walba uu sugi doono in shaqada laga eryo.

“Mourinho waxaa uu usocdaa meel ogyahay in laga soo eryi doono ayuu Ancelotti usheegay Daily Star.

“Ma,aqaano waxa uu ku doorbidaayo shaqadaas cabsida ah ,marnaba kuma jiifaneysid in aad bari ahaan doontid macalinka Chelsea.

“Xitaa hadii aad doonto guuleyso waa uun lagu eryi doonaa ,marka maxaa isku dhibee Jose ayuu yiri Carlo.

“Aniga waan guuleystay waana la iceyriyay , Di Matteo waa guuleystay waa la ceyriyay marka Chelsea waaa xarunta sharafta looga qaado tababarayasha ayuu hadalkiisa ku daray.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨