Manchester United oo £25milion dul dhigtay Cesc Fabregas
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Manchester United ayaa diyaarineysa qorshe ay kula soo wareegeyso laacibka khadka dhexce e kooxda Barcelona Cesc Fabregas, sidaa waxaa qortay the Sunday Express.
26 jirkaan oo hore u ahaa kabtanka Arsenal ayaan farxad badan ku heysan garoonka Camp Nou, tan iyo markii uu halkaas tagay 2011-kii isagoo lagu qaatay £35million.
Wararka ayaa sheegaya in Cesc uu doonayo in uu ku soo laabto Premier League si uu ugu soo laabto qaab ciyaareedkisi hore.
Arsenal ayaa iyadna la aaminsan yahay in uu yahay dooqeeda koowaad ,waxaana uu tababare Wenger doonaya in uu dib ugu soo celiyo garoonka Emirates Stadium.
Siu kastaba Barcelona laacibkeeda aya wajahaya loolanka kooxaha Ingriiska waxaase loo badinaya in uu Old Trafford kula midoobi doono saaxibkiisii hore Robin van Persie.
United ayaa ku dhawqday in ay laacibkan ku dooneyso £25million,waana qiimo aaney Barcelona ka aamusi Karin.
Hadii ay helaan xidigaan waxaa ay ka dhigan tahay in United ay ka tanaasuli doonaan xiisaha Marouane Fellaini.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by