Macalimiin iyo ciyaartooy soo dhoweeysay tilaabadii uu Kevin-Prince Boateng kaga baxay garoonka
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Tababaraha xulka Italy Cesare Prandelli ,daafaca Man United Rio Ferdinand iyo xidigii hore ee Arsenal Patrick Vieira ayaa amaanay talaabadii uu qaaday ciyaariyahan Kevin-Prince Boateng kaas oo AC Milan ku hogaamiyay in ay garoonka baxdo ciyaar socota 27 daqiiqo.
Ciyaartooyda AC Milan ayaa ka baxay garoonka kulankii saaxibtinimo ee Pro Patria markii la midab takooray xidigaha Kevin-Prince Boateng, Sulley Ali Muntari iyo M’Baye Niang,taas oo sababtay in kulankaas lagu kala tago.
“Waxaa aheyd go,aan cajiib waan arin loo baahan yahay in ay ka mid noqdo wax yaabaha lagula dagaalo cunsuriyada ayuu yiri xidigii hore ee Arsenal Patrick Vieira.
“Macalinka iyo kooxduba aadbey ii qanciyeen waxeyna aheyd talaabo geesnimo leh sidaas waxaa yiri macalinka xulka Italy Cesare Prandelli.
“Mar walba waxaa qaldan ciyaartooyda maxaa diiday in ay sameeyaan sida Boateng ayuu isna yiri daafaca Man United Rio Ferdinand .
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by