651 views

Lionel Messi oo laga yaabo in uu ka tago Barcelona-SABAB?

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Barcelona ayaa wajaheysa dhibaato cusub hadii ay ku guul dareysto in ay xaliso mushkilada canshuurta ee Lionel Messi.

Xidiga aduunka iyo aabihiis Jorge Horacio ayaa lagu eedeyay in aaney sadex sano bixin canshuurta waxaana ay lacagtas gaareysaa £3.4million.

Maxkamada Lionel Messi ayaa dhici doonta 17-ka bisha September ee sanadkaan sida lagu dhawaqay maanta.

Messi waa uu beeniyay arintaan waxaana uu sheegay in uu canshuurta bixiyay ayna tahay arin sumcadiisa wax loogu dhibaayo.

Jariirada AS ee ka soo baxda Spain ayaa sheegtay in arintan ay ka xanaajisay xidiga aduunka lagana yaabo in arintaan awgeed uu uga guuro Spain iyo Barcelona.

Barcelona ayaa hadii aaney dajin xaalada weyn karta Messi

AS

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨