214 views

Koobka Adduunka ee Brazil oo si layaableh looga daawan doono Dalka Thailand

Waxaa Qoray:

laaaaaaaaaaa

Dalka Thailand ayaa la sheegay in si bilaash ah looga daawan doono koobka Adduunka ee sanadkan ka dhacaya Brazil.

Amar ka soo baxay madaxa militeriga Thailand ee dhawaan afgambiga ku qabsaday dalkaas ayaa ku amray shikrada telifishinada dalkaas iney dadka si bilaash ah ugu sii deeyaan daawashada ciyaaraha Adduunka mudada bisha ay soconayaan.

Milteriga ayaa arintan ugu gol leh iney u dabaaldagaan maalmaha wanaagsan uu dalkaas galayo iyo culeyska xukunkii hore dalka ka jiray oo ay iska dul qaadeen.

Shirkadan ciyaaraha u sii deysa dadka dalkaas ayaa weydiisan doonto dowlada militiriga 21.3 milyan doolar oo magdhow ah.

Waxaa kaloo jira dabaaldagyo kale oo ay qorsheyneyso dowlada militeriga ee dalka la wareegtay waxaa kamid ah madax xiir lacag la’aan ah iyo ruwaayado bilaash lagu daawanayo.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

¨