Jonny Evans oo aroosay mid ka mid ah gabdhaha ka shaqeya MUTV + DAAWO SAWIRADA
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Daafaca kooxda Manchester United Jonny Evans ayaa ugu dambyn guursaday gabar barnaamuj soo sare ka ah Tv-ga rasmiga ah ee Man United ee loo yaqaano MUTV.
Helen McConnell oo ka mid ah shaqaalaha MUTV iyo daafaca United Jonny Evans ayaa ku aqal galay Northern Ireland.
Jonny Evans iyo Helen McConnell ayaa markii ugu horeysay kulmay xili ay shaqo ka raadineysay Tv-iiga rasmiga ah ee kooxda United.
Dhamaanteen wan ku faraxsanahay nolashooda cusub ayuu yiri Rev Kenneth McConnell oo ah aabaha dhalay gabadhan oo sidoo kalana bare ka ah jaamacada University of Ulster oo ah halka uu ka qalin jabiyay Jonny Evans.
Daaficii hore ee kooxda Man United John O’Shea ayaa ka mid ahaa marti sharafkii ka qeyb galay arooskan.
Helen McConnell oo waqti dheer taageero u aheyd kooxda Man United ayaa heshay mid ka mid ah xidigaha kooxdii ay jecleyd waxaana halkaas ka dhashay qoys wada United ah ayuu yiri Ashley Gray oo sheekadan qoray.


Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by