Iska Iloow Ronaldo ,Real Madrid waxaa ay dooneysa in ay Bale ku iibsato qiimihii ugu badnaa abid
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Hadii ay Real Madrid hore Cristiano Ronaldo uga dhigtay ciyaariyahanka ugu qaalisan aduunka hadana waxaa ay Madrid dooneysa in Gareth Bale ay ka dhigto ciyaariyahanka ugu qaalisan aduunka .
Jariirada AS ee ka soo baxda Spain ayaa sheegtay in kooxda caasimada ay udhaqaaqday in ay Gareth Bale ku soo qaadato aduun dhan £85million oo gini,taas oo ka dhigan in uu noqon doono xidigii ugu qaalisanaa abid ee kubbada cagta .
Ronaldo ayaa £80million oo gini ugu fadhiya Madrid ,laakin wxaa jira warar hoose oo sheegaya in uu doonaayo in uu kulaabto kooxdiisii hore ee Man United .
Madrid ayaa kooxda White Hart Lane ka dhisan uban dhigi doonta £85million si uu Bale badal ugu noqdo Ronaldo ayey tiri jariirada AS.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by