604 views

Frank Lampard oo dhaliyay gool mucjiso ah + DAAWO VIDEO

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Inkastoo uu David Beckham ka fariistasy ciyaaraha,hadana England ayaa wali heysata ciyaariyahan kubbadaha udhalin kara sidiisa oo kale.

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa dhaliyay gool uuu ka soo laaday meel goosha ujirta 40-yard ,intii lagu jiray tababarkii xulka England Isniintii sida ay shaacisay Daily Mail.

Lampard ayaa soo laaday kubbada dheer waxaana gaari waayay gool hayaha West Bromwich Albion Ben Foster.

Waa markii labaad ee kubbad sidaan udheer laga dhaliyo Ben Foster ,horey ayey uga dhalatay kubbad uu goosha meel udhow ka soo laaday gool hayihii hore ee Tottenham Paul Robinson,waxaana ay kubbadaas goosha ujirtay 80-yard

David Beckham ayaa lagu xasuusta kubbadahan oo kale waxaana uu gool xasuusta galay ka dhaliyay Wimbledon 1996.

Halkaan ka daawo

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨