Ferguson oo walaalkiis udiray Mats Hummels
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Man United ayaa dabagal xoogan ku heyso daafaca xulka Jarmalka iyo naadiga Borussia Dortmund Matts Hummels oo haatan ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa,
23-jirkan ayaa sabab u ahaa in kooxda Dortmund ay labadii sano ee ugu dambeesay ku guuleesatay Bundesligaha Jarmalka sidoo kalena xidigan siweyn ayuu kooxdiisa uga dhex muuqdaa gaar ahaan koobka horyaalada Yurub oo Dortmund u dhow dahay inay wareega 16-aad u gudubto sidaa darteed tababare Sir Alex Ferguson ayaa dhawaan walaalkiis Martin Ferguson u diray magaalada Amsterdam si uu qaab cayaareedka xidigan ugu kuur galo wuxuuna masuulkan daawaday kulankii arbacadii ay wada cayaareedn xulalka Holland iyo Jarmalka wuxuuna Hummels ka mid ahaa xidigihii habeenkaas xulka Jarmalka u safnaay,
Inkastoo daafacan uu dhawaan kooxdiisa Dortmund u saxiixay heshiis 5-sano ah hadana Man United ayaa ku rajo weyn inay keeni karto Premier League dhamaadka xili cayaareedkan madaama aysan suura gal ahayn in naadiga reer Jarmal ay iska iibiso xidigan xili cayaraeedkan oo kala bar maraayo. Warraka ayaa intaas ku daraayo in kooxda Dortmund ay dhigeeda Man United ku wargelisay in Hummels laga iibin doono bisha June ee sanadka nagu soo fool leh hadii ay la timaado 25-milyan oo pound.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by