Dortmund oo gacanta ku dhigtay xidigii ugu wanaagsanaa Ligue 1 France –Waa kuma?
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Horyaalka France sanad walbo wuxuu soo saaraa dhalin aad u tayo wanaagsan kuwaas oo loogu hardamo saxiixooda suuqa Yurub sidaa darted xili cayaareedkii dhamaaday horyaalkan waxaa kasoo dhex baxay wii laga daba dhacay kaasi oo lagu magacaabo Pierre-Emerick Aubameyang wuxuuna ka tirsanaa naadiga Saint Ettene weliba 19-gool ayuu dhaliyay asigoo noqday laacibka labaad ee ugu goolasha badan Ligue 1 waxaa waxtarkiisa isla arkeen dhamaan kooxaha reer Yurub waxaana loo wada galay dadaal sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ugu dambeyntii naadiga B. Dortmund ayaa ku guuleesatay saxiixa xidigan dhalinta yar wuxuuna qalinka ku duugay heshiis 5-sano ah.
Dortmund ayaa weeraryahankan ku qaadatay lacago aan la shaacinin waxayna ka dul qaaday kooxaha Arsenal, Everton, AC Milan, Lyon iyo PSG oo dadaal xoogan ugu jireen saxiixa Aubameyang oo horey ugu tirsanaan jiray kooxda Milan kuna soo bar baaray gudaha garoonka San Serio.
Sanadii 2011 ayuu naadiga Saint Ettene qaab amah ugu biiray balse si rasmi ah ayay ula wareegtay kadib markii uu 16-gool u dhaliyay xili cayaareedkii 2011-12 haatan xidigan dhalinta yar waxaa looga fadhiyaa inuu kooxda B. Dortmund u buuxiyo booskii uu baneeyay Mario Gotze wuxuuna ka garab cayaari doonaa xiidgaha kala ah Marco Reus iyo Roberto Lewandowski xili cayaareedka nagu soo fool leh.
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by