Didier Drogba oo macasalaamayn doona kooxda Chelsea
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Waaya aragga gool dhalinta ku fiican ee Chelsea Didier Drogba ayaa ka hadaafi doona kooxda Chelsea ka dib kulankiisa ugu danbeeyey uu saftay naadigaasi uu koobka ugu keenay.
Wararka laga helayo ciyaaryahankan ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda Shanghai Shenhua oo miiska usoo saartay mushaar aan caqli gal ahayn taasoo uu kasoo shaqeeyey saaxiibkii Nicolas Anelka oo kooxda ka ah tababaraha labaad.
Drogba ayaa qaadan doona £250,000 todobaadkiiba, isagoo sida la sheegay ay la micno tahay inuu Chelsea u saftay kulankiisa ugu danbeeyey finalkii Bayern Munich uu goolka ku barbareeyey halka goolkii rigooreha ugu danbeeyeyna uu isaga lugtiisa ku keenay.
Milkiilaha kooxda Chelsea Abramovich oo ku booqday qolka labiska kulankii ay koobka kusoo qaateen ayaa kooxdiisa u sheegay in kooxda Chelsea uu ufurayo bog cusub isla markaana uu maal galin doono, isla markaana uu keeni doono ciyaaryahano tayo leh.
Abramovich ayaa sida la sheegay wuxuu Chelsea kumaal galiyey aduun dhan £1billion tan iyo markuu iibsaday kooxdaani, wuxuuna haatan diyaar u yahay inuu markale lacago quuro.
Ninka soo iibinta u qaabilsan kooxda Chelsea Ron Gourlay ayaa la kulmi doona wakiilka Drogba, wuxuuna sheegay in Didier ay aad u jecel yihiin, isagoo sheegay in Drogba uu yahay ciyaaryahan weyn, laakin waxaan umalaynaynayaa inaan Drogba la gaari doono go’aan sax ah oo labada dhinac faa’iido u keeni kara.
Drogba ayaa u muuqda mid uu haatan ku raadsan doono qarashaad aad u badan oo uu bankiyadiisa ku buuxsan karo maadaama uu kasii baxayo suuqa ciyaartooyda isagoo da’diisa ay sii caga cagaynayso 34 – jir.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by