800 views

David Moyes oo sharaxay sababta uu usafi diiday Kagawa

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Tababaraha kooxda Manchester United, David Moyes ayaa hoos udhigay wararka cadaawada ka dhigaya kursiga keydka ee Shinji Kagawa.

Laacibka wadanka Japan ayaa 7 daqiiqo oo qura ciyaaray kulan rasmi ah tan iyo markii uu shaqada la wareegay David Moyes.

Shinji ayaa dhowaan sheegay in uu madax xanuun ka qaaday keydka United waxaana uu saxafiiyinta ka codsaday in ay Moyes weydiiyaan wax uu usafi diiday.

Tababare David Moyes ayaa sheegay in Shinji uu kooxda kaga maqan yahay nasiino dheer balse uu ku jiro xidigaha muhiimka ah .

“Ma,ahan midka noogu xun , ma jirto sabab aan isaga isaga indho tiro laakiin waxaan ognahay in uu ka qeyb galay Confederations Cup ,wuxuu ubaahan yahay nasiino ka badan mida xidigaha kale .

“Waxaad la socotaan in aan asbuuc dheraad ah oo fasaxa siiyay markii aan joognay Asia ,wali waxaa uu ubaahan yahay nasiino laakiin mar walba Kagawa waxaa uu ka mid yahay xidigaha muhiimka ah ee kooxda .

“Waan ogahay in uu qiimo badan ugu fadhiyo kooxda uuna ubaahan yahay fursad ,waxaa uu ka soo muuqan doonaa kulamada soo aadan.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨