411 views

Chelsea oo qarka usaaran in £34.4m ku qaadatay Suarez

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Jariirada Spanish ka ah ee AS ayaa sheegtay in kooxda Chelsea ay qarka usaaran tahay in ay £34.4m kula waregto weeraryahanka Liverpool, Luis Suarez

Xidigaan oo bartilmaameed u ahaa kooxda Real Madrid ayaa ku sii hoobanaya garoonka Stamford Bridge.

Jose Mourinho ayaa lagu soo waramaya in uu qirtay in lagu garacay loolanka Edinson Cavani kaas oo umuuqda in uu ku biiri doono PSG.

Mou ayaa hada diirada saaraya in uu afka hore u isticmaalo Luis Suarez oo ujiran in uu ciyaaro Champions League .

The Blues ayaa inkastoo uusan cilaaqad fiican kala dhaxeyn Suarez hadana u aregta mid ay kaga maarmi karaan baahidii ay uqabeen Cavani.

Waxaa ay ku soo qaadan doonaan £34.4milion sida ay sheegtay AS.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨